Sawirro: XAMZA oo gaaray magaalada Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka dayaaradaha ee Addis Ababa si diirran ugu soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga PP ee haya talada dalka, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Cumar iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb-gali doona shirka caalamiga ee Madasha Tana Shirkan oo ay ka qayb-galayaan hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo hay’ado caalami ah.

Shirkaan ayaa waxaa diirrada lagu saarayaa arrimaha amniga ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Xamza ayaa khudbad ka jeedin doono madasha, wuxuuna ka hadli doono amniga gobolka iyo kan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.

Sidoo kale wuxuu afhayeenku tilmaamay in ra’iisul wasaaraha uu kulan duceed la yeelan doono madaxda ka qayb-galeysa shirkan, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu wadahadallo la yeesho ra’iisul wasaare Abiy Axmed, maadaama uu shirka martigeliyey, kaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana labada dowladood ay wajahayaan dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda, Cali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa, Wasiir ku xigeenka Duulista Hawada, General Sulub Axmed Firin, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cabdixakiim Xasan Ashkir, Senator Ilyaas Beddel Gaboose, La Taliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.