Shirka Kismaayo oo khilaaf uu hareeyey iyo qodobo dhowr ah oo la isku hayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maalinta beri ah lagu wadaa in lasoo xiro shirka Golaha iskaashiga ee ka socda Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxa uu qorshihiisu ahaa inuu socdo muddo Seddex ah, waxa uuna maanta galay maalintii labaad.

Shirkan ayaa waxaa cadaadis lagu saarayaa dowlada Somali oo iyadu lagu eedeeyay inay ka gudubtay xeendaabka siyaasadeed, kadib markii caburin ay ku smaeysay maamulada, sida ay rumeysan yihiin.

Hoggaamiyayaasha maamulada oo ku kala aragti duwan qodobada la filaayo in laga soo saari doono shirka ayaa waxa ay qaarkood is hortaag ku sameeyen qaar kamid ah qodobada.

Hogaamiyayaasha Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo aan wali u dhamaan xiligooda ayaa diiday ilaa 3 qodob oo la xaqiijiyay in lagu soo biirin lahaa War-murtiyeedka.

Qodobada leysku khilaafsan yahay ayaa waxaa kamid ah in dowlada Somalia aysan qeyb ka noqon karin korjoogtada doorashada iyo in calaaqaadka wada shaqeyneed loo jarayo, waxa ayna labada Hogaamiye ka biya diideen in la isticmaalo qodobada ceynkaasi iyo kuwo u dhowba.

War-murtiyeedka oo lagu balansan yahay in lasoo saaro maalinta beri oo Khamiis ku aadan ayaa waxaa ka taagan isfahan’waa ka dhashay qaabka loo wajahaayo khaladaadka laga tabanaayo dowlada Somalia oo iyadu mas’uul ka ah dalka oo dhan.

Sidoo kale, Hoggaamiyayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland oo gali doona doorasho ayaa ad adeega ula gol leh iska dhicinta dowlada Somalia oo la tuhunsan yahay inay faragalin ku sameyneyso doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka ka dhacaaya maamulada ayaa waxaa ka taagan walaac ku aadan in dowlada Somalia ay la imaado Musharaxiin cusub oo bedeli doona kuwa hadda haya xilalka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com