Shirka madasha oo lagu kala tagay iyo hogaamiyayaal Muqdisho ka dhoofay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in lagu kala tagay shirka wadatashiga Qaran ee maalmahaani ka socday magaalada Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada waxa ay sheegayaan in goordhow lagu kala tagay shirka iyadoo aan laga gaarin wax natiijo ah.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Modoobe ayaa goordhow ka amba baxay magaalada Muqdisho, isagoo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Waxaa sidoo kale la sheegay in goordhow magaalada Muqdisho ay ka tageen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxda Shirka ayaa la sheegay in ay isku mari waayeen arrimo ku aadan aqalka sare, iyadoo ay shirka ku kala tageen natiijo la’aan.

Waxaa sidoo kale Saakay shirka isaga baxay Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Wafdigiisa.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo arrintaani ku aadan waxaase la sheegayaa inay suuragal tahay in la soo bandhigi doono War-murtiyadeed aan leysku raacin si leysaga sii jeediyo Saxaafada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com