Wakiilada beesha baalamka oo wado qorshe Xasan Sheekh uusan jeclaysan (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya iney socdaan kulamo kala duwan oo u dhaxeeya afhayeenka baarlamaanka iyo wakiilada beesha caalamka.

Kulamadaasi ayaa ujeedadooda waxya tahay qorshe uusan jecleysan Xasan Sheikh Maxamuud madaxweynaha waqtigii shalay uu ku ekaa,.

Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in wakiilada beesha caalamka ay doonayaan in afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya uu si rasmi ah u noqdaan ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ilaa doorasho ay ka dhaceyso.

Kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeyay afhayeenka baarlamaanka Mr Jawaari iyo wakiilada wadamada caalamka ee Soomaaliya qaarkood ayaa looga hadlay arimahaan, waxaana sida wararka aan ku heleyno ay sheegayaan in wali kulamada ay socdaan.

Wakiilada ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Xasan Sheikh maxamuud, waxaana wararka ay sheegayaan iney ogaadeen aragtida ay ka leeyihiin dhamaanshaha waqtiga Xasan Sheekh Maxamuud.

Maalintii shalay waxaa afar sano ay u buuxsantay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo xilkaan la wareegay shalay oo kale sanadkii 2012.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com