IGAD iyo DF oo shir deg deg ah qabtay iyo banaanbax ka dhacay Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in kulan deg deg ah uu dhexmaray masuuliyiin kala duwan.

Kulankaasi ayaa ujeedadiisa ugu weyn waxay tahay sidii lo dar dar gelin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya, IGAD iyo odayaasha labada gobol..

Xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha iyo xubno matalaya IGAD ayaa kulan deg deg ah la qaatay odayaasha labada dhinac oo ku sugan magaalada Jowhar.

Odayaasha oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney isla garteen sidii loo dadajin lahaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo muddo badan qaatay.

Sidoo kale waxay sheegeen in la isla gartay in odayaasha ka maqan shirka lagu soo daraa sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana la sheegayaa in loo qeybiyay xubnaha odayaasha ah ee soo xulaya madaxweynaha maamulkaasi uu yeelanayo.

Wasaaraha arimaha gudaha ayaa dooneysa in maamulkaasi loo dhisaa sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana madaxweynaha soo dooran doona odayaasha dhaqanka, sida qorshaha wasaarada uu yahay.

Dhinaca kale waxaa maanta magaalada ka dhacay banaanbax ka dhan ah ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com