Video: Hobollada Waabari oo duco kala kordhacay musharax Jabriil

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoboladda Qaranka Oo lagu yaqaan Hal abuur Iyo Ka tarjumidda dareenka umadda Soomaaliyeed Ayaa Waxa ay Soo Saareen Hees Aad loogu farayareeystay Oo looga hadlayo xaalada dalka marayo. Heestaan Oo duco  Iyo dardaaran wadata  Ayaa Dadka u kuur-gala Arimaha Soomaaliya  ku fasireen heestaan in madaxweyne xassan sheik  Umadda Soomaaliyeed Ka quusatay isla markaana bilaabeen in raadiyaan rajo cusub.

Erayadeeda ayaa Waxaa Ka mida ahaa “”Hadii gun Iyo baar gayiga Oo dhan uu wada Liqo nin Aan gaajo beeleyn. Ilaahoow hogaanka …..”

Heestaan Ayaa durbadiiba hadal Haynteedu ku baahday dalka. Isla
Markaana noqotay doodaha ugu hadalhaynta badan Ee looga hadlayo goobaha fadhi ku dirirka.

Waxaa ay heestu duco Kala kordhacay musharax JABRIL ibrahim CABDULLE .

Madaxtooyada Villa Soomaaliya Ayaa Heestaan wal-wal cusub ku beertay. Waxa la xasuustaa Siyaad barre doowladiisa Waxaa Soo dadajiyay burburkeeda fanaaniinta gaar ahaan kuwa Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com