Axmed Madoobe oo caro kala dhoofay Muqdisho kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Axmed Madoobe uu isaga baxay shirka kadib markii uu shirka isku bedelay mid leysku mari la’ yahay.

Axmed Madoobe ayaa ka bixitaankiisa shirka ku sheegay inaanu munaasib u arag in muddo ku dhow Asbuuc ay Madaxda Soomaalida sida dad kasoo kala jeeda dhowr dal isku qabqabsadaan hal qodob iyo laba qodob oo aan maslaxad u aheyn Umadda Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe ayaa halkaasi kala dhoofay Wafdigiisa waxaana lagu wadaa in maalinta barri ah magaalada Kismaayo kula ciido shacabka Jubbaland.

Sidoo kale, waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda shirka Madasha Wadatashiga Hogaamiyayaasha Qaran, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in shirka la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga Gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in hogaamiyeyaasha ay isku fahmi waayeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan arimaha Aqalka sare , waxaana wararku ay sheegayaan in qaar kamid ah hogaamiyayaasha dowladda Goboleedka ay soo jeediyeen in meesha laga saaro aqalka sare.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xubnaha shirka ayaa sheegay in maanta la soo gaban gabeyn doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Geesta kale, waxaa weli isku cakiran shirka waxaana uu is mari waaga yahay mid u dhexeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com