C/Weli Gaas iyo wafdigiisa oo ka baxay shirka ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War gordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu ka baxay shirka Madasha Qaran ee Hogaamiyayaasha.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay in shirkaasi uu uga baxay kadib markii uu diiday in laga nusqaamiyo cadadka Puntland loogu kordhiyay Aqalka Sare ee dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gaas sidoo kale uu shirka uga baxay carro uu ka qaaday dhamaanshiyo la’aanta shirka waxa uuna tilmaamay inuusan aqbali doonin in muddo intaa kasii badan lagu sii dheereyo shirka.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan dib uga laaban doonin go’aanka ay ku aqbashay labada xubin ee loogu daray Aqalka Sare shirkii kan ka horeeyay.

Dowlada Somalia ayaa shirka ka sheegtay in meesha ay ka saari doonto Aqalka Sare, waxa ayna go’aankaasi dib uga laabatay kadib markii Gaas iyo Wafdigiisa ay ka baxeen shirka waxaana sababta lagu sheegay in la waayay qodob lagu soo celsho mas’uuliyiinta shirka ka baxday.

Muranka ugu badan ayaa ka taagan cadadka Puntland laga siiyay Aqalka Sare waxaana adag in shirka socda laga gaaro go’aan maadaama xaaladu tahay mid muran iyo khilaaf hareereeyay.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in go’aanka shirka uu soo baxo ilaa galabta, iyadoo xaalkuna yahay mid marba marka xigta kusii siqaaya mugdi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com