Xasan Sheekh iyo dowladiisa oo lagu xasuusan doono 10 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay ay Madaxweynaha dalka sida sharciga ah uu ugu ekaa wakhtiga shaqo ayaa waxaa soo baxaaya waxyaabo kala duwan oo lagu xasuusan doono Madaxweynaha uu wakhtiga ka idlaaday Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xassan ayaa leh dhaliilo iyo wanaag kala ceyn ah waxa uuna ka bixi doonaa Xafiiska isagoo lagu dhaliilaayo arrimo dhowr ah oo hadda muuqda dhaliishooda.

Dhaliilaha uu ka tagi doono Xassan Sheekh ayaa isugu jira dhinacyada Siyaasada, Amniga, Dhaqaalaha, Nin jecleysiga iyo qodobo kale oo dhowr ah.

Haddaba Madaxweyne Xasan Sheekh oo Afartiisa sano ayaa u go’day, ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa:

1-Ballanqaadyo aan fulin: Madaxweyne Xassan waxa uu muddada uu jiray qaaday ballanqaadyo dhowr ah oo dhinacyo badan leh, hadana ma uusan fulin ballamadaasi.

2-Qalqal siyaasadeed
: Madaxweyne Xassan Sheekh waxa ay dadku ku xasuusan doonaan mudada uu xilka hayay qalqal Siyaasadeed oo u dhexeeyay Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Dhinacyada mucaaradka.

3-Qaraxyo aan noocyadooda horay loo arag
: Dadku waxa ay Madaxweyne Xassan ku xasuusan doonaan Qaraxyo noocyo cusub leh, sida Gaari lasoo miidaamiyay, Qarax loo adeegsaday gaariga nooca Dheenada oo aan horay loo arag iyo weeraro lagu galo Hoteelada.

4-Amni xumi: Waxaa xusid mudan in mudada uu Xassan Sheekh xilka hayay ay magaalada gashay xaalado amni darro leh oo aan horay loo arag waxaana batay Dilalka, Dhaca iyo Boobka.

5-Xoojinta xiriirka dibadda: Madaxweyne Xassan waxa uu xooga saaray mudada uu xilka hayo xiriirka arrimaha dibadda, waxa ayna dowladiisa taasi ka dhaxashay dhaqaale farabadan oo ay dibadda ka heshay.

6-Dhismaha maamul Goboleedyada: Mudada afarta sano ah ee uu jiro Xassan Sheekh waxa uu ku guuleystay dhisida maamul Goboleedyo kala hadaf ah kuwaasi oo hadda shaqeeya, halka qaarna ay howshiisu tahay mid socta.

7-Colaado raagay: Xassan Sheekh waxa uu muujiyay howlkari balse waxaa lagu xasuusan doonaa dowladiisa Colaado ragaadiyay Gobolada Dalka kuwaasi oo salka ku haya sad bursi iyo dhul beereedyo IWM.

8-Howlgabka Baarlamaanka
: Baarlamaanka la shaqeeyay Xassan Sheekh waxa uu muujiyay dadaalo aan horay looga baran Baarlamaanadii kale, waxa aysa abtaladu noqotay Xildhibaanada oo sidii loogu tallo galay aan wax u qaban, waxa uuna Baarlamaanku dhacayaa isagoo aan qaban howlo badan oo qabyo u ah.

9-Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka: Waxaa jiray shirar badan oo hiigsiga 2016-ka oo dalka ka dhacay, markii ugu horetsay waxaa Muqdisho lagu qabtay September 2-6, 2013-kii, hadda mid shirarkaas Hiigsiga ka mid aha ayaa socda magaalada Muqdisho.

10-Nin jecleysi
: Madaxweyne Xassan waxaa lagu xasuusan doonaa Dowlad aasaas u noqotay nin jecleysi, waxaana xusid mudan in mas’uuliyiinta soo martay dowladiisa ay ku imaaden hanaan ku dhisan nin jecleysinimo.

Haddaba xiliga la joogo waxa uu Madaxweyne Xassan Sheekh yahay sii haye, ma lahaan doono awooddo dastuuri ah, waxaa laga shaki qabaa sida doorashada waqtigeeda ugu dhici doonto oo isaga uu ku tagi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com