Daawo sawirada: Muuqaalka cusub ee waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii seddexaad xiran gabi ahaan waddooyinka ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi lagu soo daadiyay ciidamo aad u gaashaaman.

Wadooyinka maalintii Seddexaad xiran ayaa waxaa kamid ah Makka Al-mukarama, wadnaha, soddonka, wadada hormarta dekeda illaa iskoolo buluusiyo iyo meelo kale oo badan.

Jidadkan ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo dib u celinaya gaadiidka dadweynaha, waxaana jidadka loo ogol yahay oo kaliya dadka lugeynaya.

Gaadiidka dadweynaha iyo mootooyinka bajaajka ayaa isticmaalaya wadooyin qardo jeex ah oo ku yaala xaafadaha shacabka ay degan yihiin.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay sababta wadooyinka loo xiray inay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Muqdisho inay ka dhaceyso Shir Madaxeedka Urur Goboledka IGAD, islamarkaana la doonaayo in ammaanka si wanaagsan loo sugo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
wadooyinka-1

wadooyinka-2

wadooyinka-3

wadooyinka-4

wadooyinka-5

wadooyinka-6

wadooyinka-7

wadooyinka-8

wadooyinka-9

wadooyinka-10