Cabdi Weli Gaas, Tarsan iyo Salaad Cali Jeelle maxay wadaagaan?

Aan ka bilawno C/weli oo u dhaqma sidi ciyaalki una hadla si aan laga filan karin qof xil u haaya maamul goboleed oo jecel in loogu yeero Madaxweyne: Mar hore ayaan qoray in C/weli uu yahay nin aan waxba soo baran, meel ay jaamicad ku taallana aan weligii tegin, waayoo qofka wax barta waxay aqoontu ka reebtaa hab-dhaqanka uu caadeystay sidi isagoo dhex taagan suuqa xoolaha Garowe. Qofka mar hadduu siyaasad lugta la gelo waxaa jira waxyaabo ka reeban inuu ku dhawaaqo ama ku hadlo waa haddii u miisaan aqooneed oo xakameeya leeyahay. Qof masu’ul ah oo darajada uu sheeganayo leh uma hadlo sidi isaga oo kale. Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta waxay isku tuuraan ama isu adeegsadaan erayo aad uga fog kuwa C/Weli isticmaalo oo ah” Madaxweynaha Xasan Sheikh waa NACAS” ma oga mana qiyaasi karyo in eraygaas uu isaga isku sifeeyay, halkasna uu ku waayay xushmadi ay lahayd jagada uu ku fadhiyo…Madaxdu si ka duwan ayey wax isaga sheegaan, waase hadduu uu yahay nin madax ah…waxaa loo arkay oo hadalladiisa laga dheehday inuu yahay qof aad RAKHIIS u ah oon istaahilin in jago loo dhiibto xumaantiisa iyo khatartiisa waxay ku dhacayaan Puntland, waana billaabatay inay dadki muujiyaan dareen ka soo horjeeda Cabdiweli, waa hadduu dareen leeyahay…Puntland oo ahayd bulsho caadeysatay in ceebaha madaxdooda ay duuduub u liqaan kuna taageeraan, waana nasiib darro ka daran tan C/weli.

C/weliyow waxaad isu maleyso ma ahid, balse waxaad tahay sida ay dadka badankiisu kuu arkaan oo ah inaad tahay nin aad u aqoonyar, fulay ah oo ka arradan akhlaaq iyo edebta uu leeyahay aqoonyahan. Waxaa ku adeegta cadawga ummadda oo u sheegaya inuu yahay madaxweyne u dhigma midka dalka ka taliya, waana meesha uu ku sirirqday.

TARSAN WAA TRUMPAHA SOMALIYA.

Tarsan maalin kasta geedow koraa waana ka soo dhacaa..maanta wuxuu isku shaabadeeyay inuu yahay siyaasi aan weligii waxba akhrin, nidaamka dowladnimana ka khaldan yahay, kaddib markuu yiri waa R/Wasaaraha ama Madaweynaha midkood ama labadooda ay isaga baxan Villa Somaliya markuu xilligooda dhamaado iyo weliba iyagoo murashixiin ah. Nasiib darro, Tarsan wuxuu garan waayay in labada jagood uu u hanqal taagayo ay leeyihiin shuruudo isaga ka qarsan oo ah qofka markuu ku guuleysan waayo doorashadada, lana helo beddelkiisa ayuu xilka uu haayo, xafiiska uu fadhiyo iyo xerada uu deggan yahay ka guuraa ee ka hor lagama saari karo sida nidaamka dowladnimo ku shaqeeyo. Tarsan intaasuu garan waayay, waayoo isaga waxay uga dhegtay in Villa Somaliya loo banneeyo dad aan weli la dooran. Wuxuu ka markhaati furay inuusan weligiis wax akhrin, nidaamka adduunka looga dhaqmana uusan weli garan sida si ay madaxdu isu beddelaan marki la kala guuleysto.

Arrinta kale ee ka dhigeysa Trump kale waa markuu yiri Jaamicadda SIMAD waxba laguma barto oo far Somali ayey aqaani waayeen. Danta uu hadalkaas ka lahaa waxay ahayd inuu Madaxweyne Xasan Sheikj ku xumeeyo waayoo isagaa SIMAD ka dhigay Jaamicad oo ahayd machad magac iyo sumcad fiican ku leh bulshada.Waxaa hubaal ah in Tarsan uusan weligii iridda ka geli Jaamicad isagoo u socda inuu wax karto…Waxa afkiisa ka soo baxaya uma qiyaasna oo TRUMP oo kale oo shacabweynihi Mareykanka ay sanka ka wada qabsadeen markuu afka furto. Waa ayaan darro in Tarsan iyo kuwa la mida ay u tartamaan inay Somali Madaxweyne u noqdaan!!! Ma laga yaabaa inay kuwaani yihiin kuwi aanu mudneyn ummad ahaan..Talyaanigaa wuxuu yiraa” OGNI POPOLO HA IL SUO GOVERNO”!!!

SALAAD CALI JEELLE

Salaad sheekadiisa waa sida soo socota:

Nin baa wuxuu tegay Isbitaal si uu u baaro aragtidiisa oo yaraatay.Waxaa lageeyay qolka lagu cabbiro indhaha… markaasaa lagu billaabay su’aal si loo hubsado aragtidiisa…waxaa la hor fadhiisiyay warqaddi ay xuruufta ku yiileen oo derbiga ku dhegganeyd..markaa la weydiiyay xarafkaan sheeg, xaraf uma jeedo uu yiiri; mid kalaa la weydiiyay wuxuu ku jawaabay uma jeedo…markaasaa la weydiiyay warqaddaan ma u jeedaa…Warqaddee uu ku jawaabay…waxaa la yiri warqadda derbiga ku dheggan…wuxuu yiri derbi miyaa meesha ku yaalla!!!

Salaad Cali Jeelle waa ninkaas aan derbiga u jeedin, wixii dalkaan uu soo maray iyo inti dhibaato ka jirtay oo badiba laga soo ghudbay, meel fiican oo ay rajo abuurantay iyo tallaabooyin horumar leh oo lagu tallaabsaday Salaad weli uma jeedyo oo wuxuu taagan yahay derbi miyaa meesha ku yaalla…Allaha soo aruursho indhahana Alla ha u feydo, afkiisana Ilaahey ha ka tuugo inuu isku qabsado si uu uga badbaado dhibaatada ka soo gaari karta afkaan aan la shibbi karin oo saacad kasta iska qoyan oo qashin si joogta ah uga socdo. Waxaan ku soo khatimeynaa xadiithki dheeraa uu soo weriyay MUCAD ahaana su’aalo iyo jawaaboo Nabiga Caleyhi Salaatu waassalam ugu jawaabay..waxana ugu dambeeyay su’ashi uu Nabigu isweydiiyay kaddib markuu carrabkiisi gacanta ku qabtay farahiisa uu yiri kan iska xakamey..markaasuu Mucaad yiri Yaa Nabiyallaah ma wixi aan ku hadalno ayaa naloo qabanaa…Jawaabti waxay naqatay:وقا ل رسول الله صلى الله عليه وسلم تكتتك امك بامعاذ وهل يكب الناس فى النار على وجوههم او على مناخرهم الا حصا ئدالسنتهم

Xadiith kale uu Nabiga Caleyhi alssalaatu wassalaam oo waaninaya nin asxaabta ka mid ah oo yiri I waani أوصيك أن لا تكون لعا نا taasoo micnaheedu yahay HA CAYTAMIN. Annaguna manta caydu waxay noqotay wax lagu faano, waayoo ma naqaano dhibaatada ka imaan karta adduun iyo aakhiro…xumaanti iyo aflagaadadi ayaa lagu baratamaa..Ilaaheyow dadka manta isdabada cararaya talo ha noogu dhiibin..waayoo dalka iyo dadka ku nool dan kama laha, waxay u ordayaan waa danahooda oo kaliya…ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!! Seddaxdooda waxay wadaagaan neceybka Xasan Sheikh Maxamuud.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com