Daawo sawirro: Diyaar garowga ka socda hoolka uu ka furmayo shirka IGAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalinta Talaadada ee fooda nagu soo heysa uu magaalada Muqdisho ka furmi doono shir madaxeedka IGAD.

Shirkaani ayaa waxaa ka qeybgali doona wadamada qeybta ka ah IGAD oo ay ku jirto Somalia, waxaana iminka magaalada Muqdisho ka socda diyaar garowga shirkaasi.

Wasiirka arimaha dibada DFS Cabdisalaam Hadliye, ayaa booqday Hoolka uu ka dhici doono shirka oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay inay ku guda jiraan gabagabada diyaarinta shirka.

Hadliye waxa uu sheegay in DFS ay si adag u adkeysay amniga goobta doorashada iyo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in rajada ay tahay mid u badan guul, waxa uuna meesha ka saaray inay dhicikarto fashil IWM.
igad-1

igad-2