Shirka wada-hadallada DF Somalia iyo Somaliland oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana looga arrinsanayo wadahadallada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta ka furmay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Shirka oo ah mid hor dhac ah ayaa waxaa ka qeyb galaya, waxgarad matalaya Somaliland iyo xubnaha gudiga wadahadalka ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya.

Muddada uu shirkaan socdo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sii wadida geedi socodka wadahadallada labada dhinac iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan.

Shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo sanadihii ugu dambeeyey ay hakad ku jireen wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana dadka ordosa siyaasadda ay rajo xumo ka muujinayaan shirkaan, maadaama lagu qabanayo magaalada Muqdisho, taasina aysan u cuntami karin  Somaliland oo muddo fog raadineysa Ictiraaf gooni ah.

Dhinaca kale xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka soo jeeda gobollada waqooyi, islamarkaana ka tirsan golaha shacabka ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka inay ka gaabisay wadahallada laba geesoodka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) aysan sameyn dadaalladii looga baahnaa ee geedi socodlka wadahadalladaasi.

Sidoo kale wuxuu xildhibaan Xuseen Carab Ciise xusay in deeqaha beesha caalamka laga helo la siyaasadeeyey qoondada Somaliland, taasina ay tahay caqabad kale.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay daacadnimo ku socoto, si looga mira dhaliyo dadaallada haatan socda.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.