Xog: Muxuu Cumar Finish uga laabtay munaasabadii xuska maalinta Booliska?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa shalay dib uga noqday Garoonka Eng. Yariisow intii ay socotay xafladdii xuska 76-aad ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, guddoomiye Cumar Finish ayaa isaga laabtay Garoonka markii ciidamada madaxtooyada ay u diideen inuu ilaaladiisa la galo gudaha Garoonka, maadaama la filayey inuu xafladda yimaado madaxweyne Farmaajo.

Markii Cumar Finish oo dhawr jeer isku dayey in loo ogolaado ciidamadiisa isla markaasna la hadlay saraakiisha ammaanka sugeysay uu ku fashilmay arrintaas, waxay taas keentay inuu guud ahaan isaga laabto munaasabadda.

Tan iyo intii xilka loo magacaabay Guddoomiye Cumar Filish wuxuu qaaday tallaabo uu si weyn ugu adkeeyay amnigiisa, wuxuuna xafiisyada iyo xaruntiisa la galaa ilaalo u gaara oo mararka qaar baaritaan ku sameeya halka uu booqanayo ka hor inta aanu tegin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ka baaqday munaasadda kadib markii uu helay farriin amni, islamarkaana ay la-taliyaashiisa kula taliyeen inuu isaga baaqdo munaasabadda.

Waxaa xafladda ku sugnaa Wasiirka Amniga, Taliyaha Booliska, Wasiirka Kaluumeysiga, wasiiru dowlaha Maaliyadda, guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee arrimaha bulshada iyo saraakiil kale.

Sidoo kale Ra’isul wasaare Kheyre ayaa ka baaqday Xafladda isagoo ka cudur daartay markii waqti dambe loo sheegay inuu aado maadaama uu madaxweynaha ka baaqday.