Shirkad Mareykan ah oo soo saartay bistoolad la eg kaar Bankiga + Sawirro

Shirkad Mareykan ah ayaa soo saartay bistoolad yar oo la eg kaarka Bankiga ee jeebka lagu rito, taas oo qaadaysa shan xabadood sida Bistooladaha caadiga ahna wax u tooganaysa.

Bistooladdan ayaa haddii si kale loo dhigo waxaad ku ridan kartaa boorsadaada jeebka ‘Wallet’ iyadoo dhirirkeedu yahay 2.1 inches,  balaceeduna waa 3.4 inches halka culeyskeeduna ka badneyn 198 gram.

Shirkadda sameysay Bistooladdan oo lagu magacaabo ‘Trailblazer Firearms’ ayaa sheegtay inay sameynteeda ku howlanayd muddo 7 sanadood ah, waxaana sidoo kale bistooladdani leedahay qayb yar oo kuu keydinaysa 4 xabadood oo dheeri ah.

Qiimaha lagu iibin doono bistooladdan ayaa gaaraya $399 dollar waxaana ka heli kartaa xarumaha kala duwan ee hubka lagu iibiyo ee Dalka Mareykanka.