Daawo yaab: Dooni muhaajiriin sida oo ku soo xiratay xeeb lagu dalxiiso oo ku taalla Yurub

Cadiz (Caasimada Online) – Doon ay ka buuxaan muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku soo xiratay xeeb dad dalxiis ah ku raaxeysanayeen oo ku taalla Magaallada Cadiz ee koonfurta Spain.

Qaar ka mid ah dadkii dalxiiska ku qaadanayay xeebtaasi ayaa mobile ku soo duubay muuqaal, iyadoo doontii muhaajiriintu ay xeebta ku soo xiranayso kaddibna ay Magaallada ku yaacayaan inta aysan goobta soo gaarin ciidammada ammaanka.

Dadkan qaxootiga ah ayaa la rumeysan yahay in ay ka soo gudbeen xeebaha Gibraltar, iyagoo ka soo jeeda dalalka Waqooyiga Afrika.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com