Shirkad ururisa bisadaha oo ka how billaawday Magalada Muqdisho.

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkaddaan ayaa ka aruurisa Bisadaha Goobaha lagu cunteeyo Sida, Maqaaxiyaha, Hotelada iyo meelaha la midka ah iyagoona geeya Kawaanada lagu goowraco xoolaha..

Shirkadda ayaa halkii Bisad ku Fageyso lacag cadadkeedu yahay $6 (Lix Dollar).

Sidoo kale Shirkadda waxaa ka howlgalo shaqaale u carbisan qabashada Yaanyuuraha iyagoona adeegsanaya hab cajiib ah iyo walxo u sahlaya qabashadeeda.

Mid ka mid ah shaqaalaha Shirkaddaan oo ku howlanaa qabashada Bisad saarneed fooqa sare ee Maqaaxi aan ku shaahayay ayaan weydiiyay inta uu la egyahay damaanadda Bisaddii kusoo labato halkii ay ka qabteen, maadaama qarashka halkii Bisad yahay 6 dollar, waxuuna igu yiri.

“Waxaan shaqadaan wadnaa Muddo 3 isbuuc ah, waxaan qabanay in ka badan 900 bisadood, mana jirto Bisad aan fageenay oo soo labatay”.

Waxaan markale weydiiyay anigoo tixgalinayo shaqada uu haayo, waxa ku dhaliyay iney sameeyaan shirkadda noocaan ah iyo halka uu ku yaalo xafiiska Shirkadda, waxuuna igu yiri.

“Waxaan ogaanay iney jirto baahida noocaan ah, waxaa baryahaan dambe soo badanayay dacwadaha ka dhanka ah Bisadaha ee ka imaanaya macaamiisha Hotelada iyo maqaaxiyaha, waana taas mida noo sahashay in uu hirgalo fikirkeena, Xafiiskeenuna waa Telephone-ka gacanta”.

Ugu dambeyn Shirkaddaan oo shaqadeedu tahay aruurinta mukulaalaha ayaa ah shirkaddii ugu horeysay ee nooceeda ah ee ka howl gasha Magaalada muqdisho.

W/Q: Nuune Ali Hassan Habeysane