Magdhow lacageed oo loo haysto dowladda Soomaaliya iyo farriin loo diray Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulaha Shirkadda Dhismaha Rajo Construction and Transportation ayaa warqad cabasho ah u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii la burburiyey xarun ay ku laheyd magaalada Muqdisho, islamarkaana magdhow ay amartay maxkamad aan muddo 10 sano ah la siin. Hoos ka aqriso warqadda.

Mudane Madaxweyne,

Warshaddii ugu horreysay ee samaysa interlock waxaan Muqdisho ka hirgelinay sanadkii 2013-kii. Injineer ka socday dalka Shiinaha oo ay gacan siinayeen shaqaale Soomaaliyeed oo xirfad sare leh ayaa ku guuleystay in ay dhammaystiraan rakibidda iyo tababaridda shaqaalaha warshadda ka howlgelayay.

Mudane Madaxweyne,

Markiiba warshaddu waxay bilowday wax soo saarkeedii oo si diiran looga soo dhoweeyay magaalada Muqdisho. Nasiib-daro 6 bilood kaddib ayaa si sharcidarro ah warshaddii iyo qalab kale loo burburiyay, iyadoo lagu gabanayo go’aan maxkamadeed oo ka dhan ahaa ninkii dhulka naga kireystay.

Mudane Madaxweyne,

Falkaas naxariis darrada ah, waxaanu ka qaadannay racfaan, dacwadna waan ku oognay ciidankii burburiyay warshadeenii. Mahad haka gaartee Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xilligaas Mudane Cabdikariin Guuleed ayaa arrinteennii wax wayn ka qabtay, wuxuu u saaray guddi heer sare ah oo baaritaan ku soo sameeyay sida wax u dhaceen, ugu dambeyntiina waxay soo caddeeyeen in sifo sharcidarro ah loo burburiyay warshaddeenii, dowladdana laga rabo inay magdhow bixiso.

Mudane Madaxweyne,

Waxaan kaaga mahad celinaynaa in markii ay ku soo gaartay cabashadeenii iyo caddaymihii ay hay’adaha ku shaqada lahaa ay RAJO ku sameeyeen kuna caddeeyeen in sifo sharcidarro ah loo burburiyay in aad adigana sugtay oo aad amar ku bixisay in Magdhow na laga siiyo, adigoo markaas Ra’isul Wasaarihii xilligaas Mudane Cumar C/rashiid Sharmaarke farey in la uu wax ka qabto arrintan.

Mudane Madaxweyne,

Markii ay warqadaadii gaartay Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid isna wuxuu amar siiyay oo uu warqad u qoray wasaaradda Maaliyadda in lacagta magdhowga ah Shirkadda RAJO CONSTRUCTION degdeg loo siiyo.

Mudane Madaxweyne,

Nasiib darro 10 sano ayaa ka soo wareegtay maalintii aad amartay in Rajo Construction magdhowgeeda la siiyo.  Waddo kasta oo aan isugu daynay inaan Madaxweyne kugula kulanno si aan mar kale kuu soo gaarsiino cabashadeena iyo halka ay arrintu mareyso way inoo suurogeli weyday.

Mudane Madaxweyne,

waxaan rajaynayaa in ay fariinteena ku soo gaari doonto, ammarkaaga iyo saxiixaana uu fuli doono haddii uu EEBBE idmo.

Mahadsanid Mudane Madaxweyne.

Cabdicasiis Maxamed Xasan
Maamulaha Shirkadda Dhismaha Rajo Construction and Transportation,