Shirkadaha diyaaradaha oo diiday inay Dhuusamareeb tagaan kadib weerarkii lagu qaaday diyaarada Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Inta badan Shirkadaha Duulimaayada ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa maanta joojiyey duulimaadyadii caadiga ahaa oo ay ku tagi lahaayeen garoonka magaalada Dhuusmareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerareen diyaarad ka kaceysay garoonka.

Diyaaraddaas ayaa waxaa saarnaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, waxaana lagu riday 7 oo xabadaha baasuukaha ah, kuwaasi oo ay seegeen.

Warar aan ka helnay saraakiisha amniga ee Dhuusamareeb iyo madaxda shirkadaha ayaa sheegaya in dhamaan shirkadaha ay diideen in garoonkaas tagaan sababo amni aawgeed, waxaana jirin diyaarad maanta halkaas ka dagtay.

“Ma jirto wax diyaarad ah oo maanta Dhuusamareeb tegay waxaana baaqday rakaab badan oo ay maanta aheyd in la qaado,” ayuu yiri mid ka mid ah madaxda shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya oo maanta tagi laheyd Galmudug.

Shirkadaha ayaa la sheegay inay la xiriireen maamulka Galmudug kana dalbadeen damaanad qaad amni, balse maamulka uu sheeegay inuusan siin karin, taasi oo keentay inay diidaan inay garoonka tagaan.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in kaliya aysan ahayn maanta, balse ay u badan tahay in maalmaha ama toddobaadyada soo socda aysan diyaarad ka degin garoonkaas.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ururinayaan ciidan dagaal qaada oo Al-Shabaab ka sifeeya deegaanada ku dhow garoonka ee ay weerarka kasoo qaadayaan.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay duqeymaha garoonka Dhuusamareeb, hase yeeshee madaafiicdii ay shalay ku rideen diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, ayaa xaaladda meel xun gaarsiisay.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa u muuqata in bilooyinkii la soo dhaafay uu sii xumaanayo amaankeeda oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana usii dheer duqeymaha magaalada ee joogtada noqday.