27.4 C
Mogadishu
Saturday, April 11, 2026

Shirkado Mareykan ah oo ku soo biiray isku dayga lagu soo saarayo shidaalka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in shirkado waaweyn oo caalami ah oo ka shaqeeya tamarta – oo ay ku jiraan shirkado laga leeyahay Mareykanka – ay muujiyeen xiiso cusub oo ku aaddan sahaminta saliidda iyo gaaska dalka, kuwaas oo ka baxsan shirkadaha Turkiga ee horey ugu guda jiray sahaminta badda.

Wasiir Daahir Shire oo hadlayay Jimcihii ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ee laga helay sahaminta dhawaan la sameeyay ay xaqiijinayso in Soomaaliya ay leedahay keyd shidaal oo ganacsi ahaan rajo leh, isla markaana ay kordheen codsiyada kaga imaanaya shirkadaha waaweyn ee saliidda adduunka bilihii la soo dhaafay.

“Waxaa jira shirkado waaweyn oo raba inay dalkeenna ka baaraan saliid. Shaki kuma jiro in dalkeenna uu leeyahay saliid, dhammaadka sanadkanna waxaan shaacin doonnaa natiijooyinka sahamintii ugu dambeysay ee lagu sameeyay baddeena,” ayuu yiri wasiirku.

Sahaminta casriga ah iyo daraasadaha juqraafiyeed ayaa sanadihii ugu dambeeyay dib u soo celiyay xiisihii loo qabay Soomaaliya oo loo arko goob cusub oo aan weli laga faa’iideysan.

Cilmi-baaris ay soo xigteen mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa qiyaasaysa in dalku yeelan karo illaa 30 bilyan oo fuusto oo saliid iyo gaas ah oo la soo saari karo, iyadoo qiyaastii 11 bilyan oo fuusto la rumeysan yahay inay ku jiraan xirmooyinka badda ee Badweynta Hindiya, kuwaas oo la mid ah qaab-dhismeedka laga helay xeebaha Mozambique iyo Tanzania.

Turkiga ayaa hadda ah saaxiibka ugu muuqda ee Soomaaliya kala shaqeeya waaxdan. Heshiisyo isugu jira badda iyo barriga oo la saxiixay bilowgii 2024 ayaa siinaya shirkadda tamarta ee dowladda Turkiga ee TPAO kaalinta hoggaamineed ee sahaminta, iyadoo Soomaaliya ay qorsheynayso inay billowdo qodista badda bisha Janaayo 2026 iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda Turkiga.

heshiiska wadaagga wax-soo-saarka, kaas oo u oggolaanaya Turkiga inuu qaato illaa 90 boqolkiiba wax-soo-saarka sanadlaha ah si uu u daboolo “kharashka shidaalka” (cost petroleum) ka hor inta aan faa’iidada la wadaagin, ayaa dhaliyay dood u dhaxaysa khubarada Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka ah oo ku saabsan in shuruuduhu ay yihiin kuwo xad-dhaaf ah, in kasta oo dowladdu ay difaacayso heshiiska oo ay ku tilmaamtay hab lagu furayo maalgashi muddo dheer hakad ku jiray.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka shaqeynaysa inay dib u soo celiso xiriirka shirkadihii horey u haystay shatiyada iyo inay soo jiidato maalgashadayaal cusub. Shirkadaha haysta xuquuqaha jira waxaa ka mid ah Shell iyo ExxonMobil, Coastline Exploration, Liberty Petroleum, GulfSom Energy, TPAO, Rak Gas iyo Genel Energy, kuwaas oo wadajir u haysta shatiyada in ka badan 31 xirmo oo isugu jira badda iyo barriga.

Shirkadaha xogta caalamiga ah sida TGS ayaa dhawaan cusbooneysiiyay heshiisyada lagu suuq-geynayo xogta sahaminta badda ee Soomaaliya, taasoo ah tallaabo looga gol leeyahay in lagu fududeeyo shirkadaha danaynaya inay qiimeeyaan juqraafiga dalka.

Laakiin iyadoo Muqdisho ay raadinayso maalgashi shisheeye, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarinta kheyraadka ay tahay inay ku dhacdo xeerar cad – ee aysan noqon heshiisyo hoose ama kuwo ay wataan dad awood sheegta. Wuxuu soo saaray digniin adag oo ka dhan ah qodista sharci-darrada ah ee macdanta ee gobollada qaar, isagoo sheegay in shaqsiyaadka iyo shirkadaha ku lugta leh qodista aan fasaxa haysan ay la kulmi doonaan cawaaqib sharci.

“Waxaa jira shaqsiyaad iyo shirkado si sharci-darro ah uga faa’iideysanaya macdanta qaybo ka mid ah dalka. Tallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonaa kuwa ku lugta leh,” ayuu ka digay, taasoo la jaanqaadaysa olole ballaaran oo dowladeed oo la xiriirinaya qodista aan shatiga haysan dakhliga dowladda ee lumay, amni-darrada iyo, xaaladaha qaarkood, eedeymo la xiriira maalgelinta argagixisada.

Hadalladan ayaa imanaya xilli Soomaalidu ay sugayaan natiijooyinka rasmiga ah ee sahaminta badda ee ay hoggaaminayaan Turkiga iyo iyadoo dowladdu ay waddo tallaabooyin lagu cusbooneysiinayo xeerarka macdanta iyo batroolka.  

- Advertisement -

Read more

Local News