Shirkii maanta ka dhacay xafiiska Rooble oo lagu magacaabay guddi cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii uu maanta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo howl-galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu magacaabay guddi cusub.

Wasiir ku-xigeenka amniga oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirkaas ayaa sheegay in guddigaas cusub isugu jiraan Wasiiro, Taliyeyaasha ciidamda iyo xubno AMISOM ah.

Guddiga ayaa baaritaan qoto dheer ku sameyn doona waxa laga yeelayo amniga garoonka diyaaradaha, qaasatan dadka galaya iyo dadka ka baxaya iyo weliba kuwa xayndaabkiisa dagan.

“Shirka si fiican ayuu kusoo dhamaaday, waxaana la saaray guddi soo turxaan bixin doona waxa laga yeelayo amniga airport-ka. Waxa uu naga codsaday warbixin dhameystiran waxaana lagu soo diyaarin doona sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka amniga.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la mid ah kii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shalay la yeeshay taliyayaasha hay’adaha amniga dalka, sidii ay saaka sii shaacisay Caasimada Online.

Rooble, oo aan saaka werinay inuu qabanayo kulankaan oo jawaab u ah Farmaajo ayaa waxaa looga hadlay amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka, ayada oo hogaanka ciidamada la faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu xalay ku dhashay Rooble kadib markii uu arkay inuu shalay Farmaajo la kulmay taliyayaasha ciidamada dalka.

Rooble ayaa marka hore qorshihiisu ahaa inuu la kulamo golaha wasiirada, hase yeeshee markii uu madaxweyne Farmaajo la kulmay taliyayaasha, ayuu Rooble beddelay qorshihiisa kana dhigay kulan golaha amniga qaranka ah, sida aan xogta ku helnay.