Culeys xoog leh oo Deni ka haysta inuu tartamo isagoo ah madaxweynaha Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu weli quudaraneeyo inuusan iska casilin xilka hoggaaminta maamulka Puntland oo uu sidaasi ku galo tartanka.

Casho uu dhawaan u sameeyey xildhibaanada laga soo doortay Puntland, ayuu Saciid Deni ka sheegay inuu rabo inuu Villa Somalia u tartamo isagoo ah hoggaamiyaha Puntland, haddii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu sheegay inuu rabo inuu kusoo laabto hoggaanka maamulka Puntland.

Inkastoo xildhibaanada uu u boobay kuraasta ee kulanka fadhiyey aysan taas kala doodi karin macquul ahaanshaheeda, haddana waxay dadkii kulanka ka warbixiyey hadalkaasi ka dhex fahmeyn walaaca Saciid Deni ka heysta inuu guul ka keeni karo doorashada Villa Somalia.

Kooxda Saciid Deni taageersan ee difaacaya qadiyadaan waxay soo xiganayaan Allaha u naxariistee madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sidaas sameeyey kal hore, isagoo Puntland madax ka ahna u tartamay xukunka Soomaaliya, laakiin waxay kooxdaasi is ilowsiinayaan 18-sano kadib halka ay maanta Soomaalya joogto ama xataa halka ay Puntland joogto.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan laga soo xigtay inay Saciid Deni xilka ka qaadi doonaan haddii uu Xamar u baqoolo isaga oo aan is casilin.

Balse midda aan laga boodi karin ee Saciid ama musharax kasta sugeysa waa shuruudaha ay soo saari doonaan guddiga baarlamaaniga ah ee qaban doono doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay dhici karto inay keenaan shuruud ah inaan codsiga musharaxnimada laga qaban dooni qof xil kale haya.

Damaca Saciid Deni ee ah inuu Puntland sii heysto ayaa dhinaca kale xoojineysa wararkii ahaa inuu Deni rabo inuu qiimeyn labaad ku sameeyo musharaxnimadiisa markii uu Xamar tago, qiimeyntaas oo ah in haddii uu Farmaajo ka qaadan karin meesha inuu xoojiyo qofka ugu dhow ee ka qaadan kara Soomaalida kalana ka gadmi kara.

Isimada kasoo jeedo maamulka Puntland ayaa iyagana la sheegay inay wadaan abaabul xooggan oo ka dhan ah Saciid Cabdullaahi Deni, abaabulkaas mid waa inay Puntland deg deg u tashato marka uu baxo Deni oo aan la aqbalin inuu tartamo isagoo xilka heysta, midna waa inay Xamar uga daba tagaan oo ay Soomaalida u sheegaan Saciid Deni-ga rasmiga ah.

Deni iyo hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa isla gaaray meeshii ugu xumeyd oo ay isla gaaraan hoggaamiye Puntland ah iyo dhaqankiisa taariikhda.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa buuq xooggan lagu furay sababta uu ugu istaagay xukunka oo uu ku sheegay inuu rabo inuu Farmaajo bixiyo.

Dadka siyaasadda faaqida waxay hadal jeedintii koowaad ee Saciid Deni ku qeexeen nin aan wax qorshe ah u heyn Soomaaliya ama aan aragti saxan ka heysan waxa uu u taagan yahay.

Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabtay hadal qasbsigii uu Saciid Deni ku sameeyey markii uu ku dhawaaqayey musharaxnimadiisa ayaa iygana yiri “ Farmaajo qorshe ma noqdee qaranka aad rabto qorshihiisa keen”.