SHIRQOOL lagu ‘dili lahaa’ madaxweyne ERDOGAN oo si cajiib ah u fashilmay

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Turkey ayaa fashiliyey weerar qarax ah oo lala damacsanaa isu-soobax uu ka qeyb galay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ka dhacay magaalada bari ee Siirt.

Warbaahinta Turkiga ayaa werisay in aalad qaraxda oo lagu hago remote lagu dhejiyey baabuurka sarkaal booliis oo qeyb ka ahaa askarta sugeysay amniga isu-soobaxa.

Sarkaalka boolis ayaa loo diray inuu gurigiisa kasoo kaxeeyo saaxiibkiis oo sidoo kale qeyb ka ahaa askarta sugeysa amniga kuna nool magaalada Mardin oo 125 mile u jirta magaalada Siirt ee isu-soobaxa uu ka dhacay, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markii uu tegay guriga kadibna uu saaxiibkiisa soo baxay si uu usoo raaco baabuurka ayaa wuxuu arkay wax hoos kaga dheggan baabuurka, sidaas ayaan lagu ogaaday qaraxa, ayey intaas ku dartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kooxaha kala furfura bambooyinka ayaa kadib loo yareeyo, kuwaas oo baabuurka ka saara walxihiii qarxay ayada oo aanay cidna wax ku noqon.

Warbaahinta gudaha Turkey ayaa werineysa in shirqoolkan uu ahaa mid lagu dili rabay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayada oo qorshuha ahaa in gaariga la qarxiyo marka uu Erdogan yimaado isu-soobaxa.

Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda ka dambeysay shirqoolkan, mana jiraan tuhmaneyaal loo soo qabtay. Waxaa hadda socda baaritaan ay wadaan hay’adaha amniga.

Turkey ayaa sanado badan dagaal ku jirtay kooxda Kurdish-ka ee PKK. Waxaa sidoo kale sanadihii dhowaa dalkaas ka dhacay dhowr qarax oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Dhinaca kale, dalka Turkey ayaa waxaa maalmihii tegay ka taagneyd xasarad dhaqaale oo ay sababtay qiimo dhaca ku yimid lacagta lira ee dalkaas, taasi oo lumisay 44% qiimaheeda marka loo eego dollar-ka.

Arrintan ayaa horseeday sicir-barar xooggan, waxaana madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay inaan sare loo qaadi doonin heerka dul-saarka oo dhaqaalyahannada ay rumeysan yihiin in lagu dhimi karo heerka sicir-bararka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii