Nin sabab yaab leh Muqdisho ugu dilay xaaskiiska oo aheyd hooyada 12 caruur ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab, kadib markii nin toorey ku hubeysnaa uu ku dilay xaaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu durbo goobta isaga baxsaday, kadib markii uu Mindida dhowr meel kaga dhuftay xaaskiisa oo u geeriyootay falkaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Qamar Cabdi Cumar, waxaana ay aheyd hooyo korineysay 12 caruur ah, sida ay sheegeen ehelladadeeda.

Aabaha dhalay Qamar ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in gabdhiisa uu dilay ninkii qabay, isaga oo ka dalbaday laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya in ay cadaaladda  horkeenaan eedeysanaha oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Shiime Muumin.

Sidoo kale Aabe Cabdi Cumar Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in gabadhiisa uu ninkaas u dilay lacag 25 dollar ah oo uu weydiistay, kuna sameysan rabay mooto Bajaaj, balse ay ku wargelisay in aysan heynin, sidaasina uu ku tooreeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa howl-gala degmada Xamarjajab ayaa tegay goobta, waxaana haatan ay ku raadjoogaan eedeysanaha oo goobta ka cararay.

Ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana mudooyinkii u dambeeyey aad usoo badanayey dhacdooyinka ceynkan oo kale ah oo ay keenaan muranada ka dhex dhaca qoysaska.

Si kastaba, dhacdadaan dilka ah ee loo geystay hooyo Qamar Cabdi oo si weyn looga yaqaanay Xamarjajab ayaa haatan si aad ah looga hadal hayaa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii