Shirweynihii Wada-tashiga & Nabadeynta Gobolka Banaadir oo baaqday [Akhriso cidda joojisay]

Muqdisho (Caasimadda Online)  – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday Shirka Wadatashiga Nabadeynta iyo Hormarinta Gobolka Banaadir, kaasoo lagu waday inuu Berrito 7-da Janaayo 2018 ah ka furmo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa sheegay in Howlo farsamo oo jira awgood uu shirka u baaqday, waqtiga shirka laqaban doono uu Maamulka dib ka soo sheegi doono., iyadoo aan waqti kale loo qaban.

War xogogaal ah ayaa sheegaya in shirka uu dib u dhigay ilaa amar danbe madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo ay ugu wacan tahay safarka uu ku tegayo maamulka Puntland, waxaana qabashada shirka oo ahmiyad weyn ugu fadhiya maamulka Gobolka Banaadir uu madaxweynaha dalbaday in dib loo dhigo.

Lama oga xilliga uu qabsoomi doono shirkan oo boqolaal dad ah loo diyaariyey inay ka qeyb galaan, waxaase lagu wadaa in dib loo abaabulo bartamaha bishan Janaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com