Siciid Deni oo shaaciyey in doorasho qof iyo cod ah uu ka ka qabanayo Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo hadal ka jeedinayey munaasabad loogu dabaal dagayey sanadkii labaad markii loo doortay xilkan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan maamulkiisa iyo horumarada uu gaaray.

Siciid Deni ayaa marka hor khudbaddiisa ku xusay waxyaabaha laga qabtay dhinacyada amniga, maaliyadda, arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in haatan maamulkiisa uu qorsheynayo inuu qabto doorasho deegaan oo qof iyo cod ah, taas oo ay ku tartamayaan 10 urur siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa carabka ku dhuftay in llaa saddex degmo laga qaban doono doorashadaasi oo noqoneyso tii ugu horreysay oo nooceeda ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay caddeyn u tahay horumarka ay Puntland ka gaartay dimuquraadiyadda iyo nidaamka xisbiyada badan.

Puntland oo da’ahaan ka weyn dowlad goboleedyada kale ayaa sanadihii u dambeeyey ku tallaabsaneysay horumar dhinacyo kasta leh oo uu ugu muhiimsan yahay dib u dhiska.