DF oo ciidamo ka dajisay Beledweyne + Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo badan ka dajisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saddex diyaaradood lagu geeyey garoonka Ugaas Khaliif, iyada oo laga qaaday Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Hiiraan ayaa askartaasi oo wata hubkooda ku soo dhoweeyey gudaha magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Haramcad ay xoojin doonaan howlaha sugida amniga doorashada kuraasta xildhibaannada ee dhowaan ka dhici doono Beledweyne.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Booliiska Haramcad ay fariismo ka sameysteen garoonka Kubadda Cagta Laqanyo Stadium ee ku yaalla deegaanka Ceel-Jaalle oo dhaca duleedka bari ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa saaka si aad ah u hadal haya ciidamadan, waxaana magaalada laga dareemayaa jawi ka duwan midkii hore.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Beledweyne ka taagnaa xiisad u dhexeysa HirShabelle & Janaraal Xuud oo si weyn uga soo horjeeda Cali Guudlaawe.