Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in doorashada la billaabo

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay in dalka laga billaabo qabashada doorashada, xilliga ugu horreeya ee ay ku dhici karto.

Axmed Madoobe ayaa hadalkan sheegay isaga oo xalay ka hadlayay magaalada Garoowe oo lagu qabtay munaasabadda sanad guurada labaad ee kasoo wareegtay doorashadii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inaysan jirin isaga iyo cid kaleba oo ku fakartay ama ku fakareyso in doorashada ay sii jiitanto.

Isaga oo ka hadlayay arrinta gobolka Gedo, oo la rumeysan yahay inay tahay mid ka mid ah caqabadaha hortaagan in doorasho la qabto, ayaa Axmed Madoobe waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay arrintaan ka wada hadli karaan oo aan loo baahneyn safiirada la isu dirayo, isagoo ku taliyay in shir la isugu yimaado.

“Khilaafka ka jira Gedo madaxweynow adiga ayeysan sharaf kuu aheyn, yeysan kugu dhicin suuro ah in madaxweynaha uu is xajisiinayo gobolkaas oo dan gaar uu ku leeyahay, waa mid saameyn ku yeelaneysa dowladnimadaada iyo madaxtinimadaada, haddii arrintaada gobol ku koobnaato waxaa kugu adkaaneysa in aad gobollada kale xukunto, haddii caqabado jiraan waa wax u baahan in laga wada hadlo oo la isu yimaado,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor inuu si shaacsan u sheegay arrimo ay ka wada hadleen.

“Waxaan aad ugu talinayaa in shir la isugu yimaado, waxaa leeyahay saaxibkey Qoor Qoor waxaan isu sheegnay inuu kor u sheego, warka hoose meesha ka baxo, oo warar la isla dhex wareegayo ee laga hadlayo kuraas kuwa Gedo yaalla iyo kuwa halkaas yaalla, kuraasta waxaa is ka leh qabaa’il xildhibaan u sharaxan, guddi ayey leeyihiin, nidaam loo maraa jira  oo odayaal ay qeyb ka yihiin,” ayuu yiri.