Wararkii ugu dambeeyey shirarkii Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Villa Soomaaliya waxaa saacadihii ugu dambeeyey ka qabsoomay kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo dhammaan looga hadlayey xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Shirarkan oo soo billowmay shalay ayaa la’isla gaaray xalay saq-dhexe, iyada oo diirada lagu saaray sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka e 2021-ka.

Kulanka ugu horreeya ayaa wuxuu dhex-maray madaxweynaha, taliyaha NISA iyo madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, iyada oo si gaar ah looga wada-hadlay sidii loo bilaabi lahaa qabsoomida doorashada dalka ee 2021-ka.

Sidoo kale waxaa jira kulan kale oo isna xalay saq-dhexe ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kaas oo uu ku soo biiray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo madaxda maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dhinacyadaas ay ka wada-hadleen xal u helida doorashooyinka iyo sidii loo guda geli lahaa, si loo fuliyo jadwalka cusub.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale u gudbiyey madaxweynaha & ra’iisul wasaaraha farriin uu ka siday madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, iyaga oo ka aqbalay, balse waxaa weli  jawaab kama dambeys ah laga sugayaa Axmed Madoobe iyo Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli cakiran, iyada oo haatan kulamo socda la’isku dayayo in xal waara looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.