Shabaab oo sheegatay dilka sarkaal Jabuutiyaan ah

Beledweyne (Caasimadda Online) – Gobolka Hiiraan, gaar ahaan dagmada Jalalaqsi, waxaa ka dhacay weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta taageerada u ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa baahiyay in sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM ee dowladda Jabuuti ay halkaas ku dileen dagaalyahanada, kaas oo ay durba magaciisa soo gudbiyeen.

Waxyaabaha kale oo ay baahiyeen waxaa ka mid ah in sarkaalkaas uu heystay darajada kabtan, magaciisana yahay (Cusmaan) iyo iney jireen dhaawacyo saddex ah oo diyaarad looga qaaday maanta.

Dhanka taliska ciidamada AMISOM wax war ah kama soo bixin oo la xiriira weerarkii xalay dhacay iyo sheegashaa warbaahinta taagerada u ah Al-Shabaab, balse dadka deegaanka waxey sheegeen iney xalay maqlayeen daryanka rasaas culus.