Danab oo burburiyey gaari lagu diyaarinayey qaraxyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada oo ka dhacay agagaarka deegaanka Tooratoorow ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare) oo ah taliyaha ururka 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku burburiyeen gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa, kaas oo uu tilmaamay in lagu dhibaateyn rabay shacabka.

Sidoo kale Beer-yare ayaa intaasi ku sii daray inay nolosha ku soo qabteen saddex ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.