Sida ay isku shabahaan Soomaaliland iyo qisadii “dharka cusub ee boqorka”

AvatarBy Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa jirtay qiso uu waa horey qoray nin dalka Danmark u dhashay oo loogu magac daray ”dharka cusub ee boqorka”.  Qisada ayaa sida tan aheyd.

Waa waxaa jiray nin boqor ah oo dadkiisa u darnaa oo ku cabiidin jiray in ay isaga jeclaadaan, wax kasta oo u sheegana ciddii ka hor imaata ay cinqaab adag la kulmi jirtay. Ugu dambayn boqorkii waxa uu ku guuleystay dadkiisa in uu ka dhigo dad ka dambeeya oo wax kasta uu sheego aan laga dabo hadlin.

Balse maalin ayaa labo nin oo khaa’iniin ah oo dal kale ka yimid waxa ay go’aansadeen boqorka in ay dhaqaalo ka khiyaamaan. Nimankii waxay u yimaadeen ra’iidalwasaarahii boqorka oo ay ku yiraahdeen ”waxaa noo geysaa boqorka waxaan u wadnaaye wax uu aad iyo aad uga helayo oo uusan diidi karin marnee” ra’iisalwasaarahii waa uu ka yeelay oo waxa uuna u geeyey boqorkii. Markii ay u tagen boqorkii ayey ku yiraahdeen ”boqorow waxaan soo marnay dhulka aad ka talisid oo dhan waxaana na cajabisay sida ay dadkaagu kuu jecel-yahiin oo ay kaaga dambeeyaan balse waxaa maanta kuu wadnaa arrin ay dadkaagu inta ay hadda ku jecel-yaahiin labo jirbaarkeed kugu sii jeclaan karaan”. Boqorkii ereyadaas markuu maqlay xiiso ayaa gelay. Intuu horey kursigii uu ku fadhiyey uga soo kacay ayuu yeri ”haye, ii wada warka”. Nimankii waxay yiraahdeen ”waxaa soo dhow toban guuraadii markii laguu caleemo saaray boqornimada. Madaama aad u dabaal-degi doontid waxaan kuu sameyn karnaa maro aad ku labisatid maalintaas. Maradas hadaad gashatid dadkaaga inta ay hadda ku jecel-yahiin oo ay kaa dambeeyaan labo jirbaarkeed ayey ku jeclaanayaan oo kaa dambeyn doonaan. Boqorkii sheekadii ragga ayuu la dhacay ileen waa kaligii taliye cabiidiye ahe. ”Laakiin” ayey yiraahdeen labadii nin ”maradas waa maro qofka waxmataraha ah uusan arki karin oo uu u malaynayo in aad qaawan tahay oo aadan dharqabin, taas oo sahli doonta in dadka noocaas ah dadka laga dhex aqoonsado”. Intaas markii u maqlay boqorkii waa qancay oo waxa uu ka dalbaday in ay u soo sameeyaan marada ay sheegayaan. Labadii nin boqorkii waxay u sheegeen in marada dunta laga sameeyo ay aad qaali u tahay oo qarash faro badan ku baxahayo. Balse boqorkii ayaa horey ka furay qasnadii dowladda oo soo cantoobiyey dahab tiradii ka batay, amarna ku siiyey ra’iisalwasaarahiisa in uu labada nin ku wareejiyo goob warshad ah oo ay marada ku sameeyaan iyo wax alle waxii kale oo ay u baahan yahiin. Labadii nin markii ay boqorkii ka soo tageen waa malaysan wayeen gusha ay ka soo hooyeen shaxdii khiyaano ee ay degeen iyo dahabka tirada badan ee ay ku heeleen. Markii la geeyey halkii ay marada ku sameyn lahayeen waxay galeen tumasho iyo baalshaal inleen waa ragga maalin ku taajiraye. Waqti markii laga soo wareegay goortii lagu ballamay in ay soo dhameeyaan sameyska marada oo aan waxba laga haynin nimankii ayuu welwel ku abuurmay ra’iisalwasaarahii wayo waqti gaaban ayaa ka dhiman dabaal-degga toban guurada boqorka, marana gacan lagu mahayo. Ra’iisalwasaarahii ayaa go’aansaday bal in uu soo fiiriyo raggii lala ballamay halka ay wax marsiinayaan. Waxuu tagay warshadii ay ku farsameynayeen marada. Markii uu goobtii soo istaagay ayuu arki waayey wax shaqo ah oo goobta ka socoto iyo maro diyaar ah, balse badelkeeda waxuu arkay rag tumasho iyo damaashad iskaga jira. Ra’iisalwasaarahii ayaa labadii nin weydiiyey ”war aaway maradii boqorka u tolayseen”. Labadii nin mid ka mid ayaa hawo cidlo inta laacay yeri waa tan”, kii kalena inta dafta ku dhagay maradii malo awaalka aheyd buu yeri, ”bal fiiri quruxdeeda iyo sida ay u dhaalayso iyo weliba sida ay u jilicsan tahay”. Ra’iisalwasaarahii ayaa yaabay oo hoos isku weydiiyey ”raggu ma igu ciyaarayaan”? Wajagii ra’iisalwasaraha carro ayaa ku soo rugmatay oo waxa uu damcay nimankii in uu canaanto una hanjabo balse inta uusan afka furin ayuu is qabtay oo xasuustay warkii ahaa in waxmatarahu ah uusan arki karin marada. Waxuu yaqiinsaday in shax khiyaano ah ay meesha ka socoto. Laakiin ma uusan dooneyn in asaga farta lagu fiiqo oo lagu sheego waxmatare oo uu sidaas xilkiisa ku waayo. Halkii buu asna maradii malo awaalka aheyd dhinac ka qabsaday oo faaniyey. ”Haa, waa maro aad iyo aad u qurux badan, sida u dhal-dhalaayso oo u jilicsan tahay baan ka helay. Waan hubaa buqurkana in uu ka heli doono, shacabkana ay jeceyl xaf dhaaf u qaadi doonaan boqorkoodu marka ay arkaan maradaan. Goorma ayey diyaar noqonaysoo” ayuu weydii labadii khiyaanoole? ”Wax yar oo sharaxaad iyo qurxin ah unbaa u dhiman maalmo ka dib waa diyaar” ayey ugu jawaabeen raggii khiyaanada watay.

Maalmo kadib markii la gaaray maalintii dabaal-degga toban guurada boqorka, waa tan labadii nin Oo dhinacyada ka sida boorso weyn ay yimaadeen qalcaddii boqortooyada. Boqorkii oo faraxsan bay u yimadeen. Waxay ku yiraahdeen ”maradii waa kuu wadnaa. Waa maro aad iyo aad u fudud oo marka aad gashatid aad dareemeyso sida in aadan wax dhar ah qabin fudeyd daraaded”. Waxay ka dalbadeen boqorkii in uu muraayad hor istaago dharkana laga siibo si loogu geliyo maradii uu dalbatay. Boqorkii waa ajiibay. Kadib waxay ka dalbadeen in uu kor fiiri si ay u sahlanaato marada in loo geliyo. Boqorkii ayaa yeelay warkooda. ”Qacanta inta geli, gacanta kalena inta geli, lugta kor u qaad oo halkaan geli, midda kalena halkan, dhexda u xir” waxay nimankii yiraahdaanba waa dhameeyey howlshii. Waxay ka dalbadeen muraayadda in uu isku fiiriyo ”haye, hadda fiiri, ka waran, soo maro wanaagsan ma ahan”?

Boqorkii ayaa muraayadii isku fiiriyey, mise maxaa ii dhiibatay, waa nin qaawan. Boqorkii ayaa waxaa ku soo degtay yaxyax iyo xishood balse waxuu xasuustay warkii ahaa ”waxmataraha ma arki doono marada oo sidaas baa lagu aqoonsan”. Maadaame uusan boqorku dooneynin in waxmatare loo aqoonsado waxuu go’aansaday ciyaarta in uu halkeeda ka jilo. Markaas buu inta hadba dhinac iska fiiriyey yeri ”waa maro wanaagsan oo aad ii cajabisay, waan hubaa dadkeyga in aad maanta iila dhaci doonaan”. Sidii ayaa boqorkii lagu saaray qabtii dambe gaari-fariskii lagu soo wareejin lahaa barxadda dabaal-deegga ee ay shacabka badan ku sugayeen.

Horay ayaa Shacabka lagu sii sheegay in boqorku soo xiranayo maro dhawaan loo soo tulay oo cajaa’ib ah, aysana horey caalamka uga dhacin boqor kale oo maradaan oo kale soo xirtay dabaal-deggisa, ayna shacab ahaan aad ula dhaci doonaan. Maradaan na dadka kuwooda waxmataraysha iyo doqonada ah aysan arki karin lana aqoonsan doono kuwa noocaas ah.

Boqorkii oo gadaal ka taagan gaari fardo dhowr ah oo is ku xiran jiidayaan ayaa goobtii barxadda aheyd soo galay. Dadkii mashxarad iyo sacab bay hal mar ku wado dhufteen, boqorkiina halkii ayuu gacan haatin salaan ah ka bilaabay isaga oo dhextaagan gaarigii fardahu jiidayeen. Dadka boqorka way arkaan in uu qaawan yahay balse yaa doonayo in loo aqoonsado waxmatare doqon ah? Halkii ayuu qof weliba dhankiisa ka camiray beentii la wado aaminay. ”Allah boqorkeena maanta qurux badnaa, boqor la imad ah nama soo marin namana soo mari doono” ayuu mid weliba goonidiisa ugu dhawaaqay markuu halka uu faylka ka taagan yahay fardaha boqorka soo maraan. Illaa ay fardahii soo ag mareen ilmo yar oo hadalka markaa bartay. Cunugii yaraa intuu horey hal tillaabo u soo qaaday dhankii ay marayeen fardahii siday boqorka oo farta ku fiiqay dhankas isaga oo dadka dib u soo eegayo ayuu hal mar ku qaliyey ”wardayaay, boqorku waa qaawan yahay, war allah dayaay waa qaawan yahay boqorku. Halmar ayaa waxii qalqi goobta joogay qosal afka furteen oo lugta ku rafteen. Illeen cid welibaa waa ogtahaye in ilmaha yariye aysan beenta aqoonine. Boqorkiina waa tan ceebi ka raacday meeshii.

Sheekadaan dheer waxay ay miitaal u tahay xaaladda ka taagan Soomaaliland.

Muddo ku dhow 27 sanno ayey kooxda deegaanadas ka talisa isku qancinaysay been cid weliba ogtahay in ay tahay been cad balse run laga dhigtay. Intaas waxay dadka ku qufulayeen waxaan nahay jamhuuriyad madax banaan saas oo ay tahayna ma jirto jamhuuriyad aan Soomaaliya aheyn oo cid kale caalamka ah ay aqoonsan tahay. Wax badan waxa ay dadka u sheegayeen ictiraafkii waan kan, dhawaan buu cirka ka soo dhacahayaa balse wax soo socdaa ma jirto. Kaaga darane waxaa soo martay fursad ah Soomaaliya oo aysan jirin muddo toban sanno ku dhow wax dowlad ah oo calankeeda dhulka yaalay oo cid golayaasha caalamka ku matashaa aysan jirin. Ma dal aan dowlad laheyn intaad tiri ”iskey baan uga go’ay oo Jamhuuriyad baan noqday” hadana aadan aqoonsiga aad toosh ku raadinaysay ku helin baa filaysaa in aad heli kartad iyadoo ay jirto dowlad matasha dalkas haba iska tabar yaraatee. 27 sanno ayey ku faanayeen in soomaalida ka xigaan dalka Itoobiya, dalkasna uu yahay dal jecel oo aqoonsi siin doona goor ay ahaataba. Hadana kii wadankas xukumayey ayaa la soo taagan ”waxaan aqoonsanahay midnimada iyo wado jirta jamhuuriyadda Soomaaliya oo aan xusmeyneynaa.

Waxgaradkiii waxa laga dhigay mid xiran, mid iskiis iskaga aamusay iyo mid danahiisa gaarka raacday. Caamadiina waxaa lagu qufulay been run laga dhigay iyo xagjirnimo xargo goosatay.

Balse laga yaabe in uu weli idiin ku harsan yahay mid run sheege ah saqiirna ha ahaadee oo farta inta idiin kugu fiiqa kooxda idiin marin habaabisay oo idiin yiraahda”war dayaay, war waa qaawan yahiineey”. Kadib qosol la rafatiin, ayaganu halkas ku ceeboobaan.

W/Q: Warsame Elmi
Elmiwar@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid