Taliye ku-xigeen saldhiga oo si fool-xun loo dilay iyo DF Somalia oo aan ka hadal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay taliye ku-xigeenkii Saldhiga Booliska deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahad Ibraahim Cumar Weydow, waxaana dilkiisa ka danbeeyay mid kamid ah ilaaladiisa.

Askariga dilay Taliye ku-xigeenka ayaa la sheegay in sidoo kale ay qaraabo ahaayen marxuumka, waxaana la sheegay inuu kala dhexeeyay muran muddo qaatay.

Mid kamid ah ilaalada Taliye ku-xigeenka la dilay ayaa yiri ‘’Dilkiisa waxaa ka danbeeyay askari ay qaraabo ahaayen xiliyada qaarna la socon jiray waxaana  ka dhaxeeyay muran ku dhawaad bil socday’’

‘’Dilka kadib waxa uu askariga la baxay gaari iyo qori uu lahaa taliye ku-xigeenka lamina oga halka uu la aaday gaariga iyo qoriga dilka kadib’’

Sidoo kale, waxa uu sheegay in rasaasta looga dhuftay madaxa iyo wadnaha, waxa uuna cadeeyay in dilka Taliye ku-xigeenka uu ahaa mid si foolxun loo geystay.

Muranka sababay dilka Taliye ku-xigeenka ayaa ku saleysnaa lacag marxuumka kala dhexeysay Askariga dilka geystay, sida laga soo xigtay Saraakiisha Saldhiga Ceelasha biyaha.

Dhinaca kale, dilka taliye ku xigeenka ayaa kusoo beegmay xili la filaayay in isbedel lagu sameeyo Saraakiisha ka howlgasha Saldhiga Ceelasha biyaha, waxaana xusid mudan in DFS aysan weli ka hadal dilka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com