Soomaalaay maanta ayay talo kula gudboontahaye, ushaada u dhiibo nin aad berito ka qaadan karto!!

Bilowgii Sanadkii 1896-dii ayuu Mr. Theodor Herzl oo loo aqoonsanyahay in uu yahay Aabaha Siyaasadda Yuhuudda casrigaan wuxuu qoray buugga Der-Judenstaat(dowladda Yuhuudda), oo uu uga hadlay sidii ay Yuhuuddu oo ku kala firfirsaneed caalamka u noqan laheed dowlad iskeed u taagan oo leh dhul, xuquuq iyo aqoonsi caalami ah.
Bartamihii Sanadkii 1896-dii ayuu Theodor Herzl u diray Suldaan Cabdixamiid oo ahaa Madaxweyinihii dowladdii Cusmaaniyiinta oo xiligaas ka ariminaysay caalamka Islaamka warqad uu ku leeyahay: “Madaxweyne, waxaan kaa codsaneynaa in aad noo ogolaato in aan soo degno Falasdiin, aadna naga qaadataan £20 Milyan oo Pound oo canshuur ah, waxaan rabnaa in aan dalka ka wada shaqeysanno, nabad-gelyo ku wada joogno, sida aan dalkaan uga wada shaqeysan karnana waxaan uga hadleynaa shir aan ku qabsan doonno magaalada Qusdandiiniyah(oo maanta loo yaqaan Istanbul, Turkiya)”.
Madaxweynihii dowladdii Cuthmaaniyiinta Suldaan Cabdixamiid ayaa Mr. Theodor Herzlow ugu jawaab-celiyay: “waxaan kaaga digayaa in aad kusoo dhiirato in aad igala hadasho dhulka Falasdiin. Diyaar uma ihi in aan ka tanaasulo taako kamid ah, waayo anigu gaar uma lihi ee waxay ka dhexeysaa Umadda Islaamka oo wiilasheedii ku waysay halgankii aan usoo galnay dalkaan, mana rabo in uu dhiiggoodii noqdo tabac-qasaaray. Marnaba ma aqbalyo in aad nooga faa’iideysataan baahida dhaqaale ee na heysa, ee Yuhuuddu ha iska heysato Lacagteeda hana iska sugato inta ay ka dhimaneyso awooddeennu, markaas ayaad Falasdiin ku qaadan doontaan si free ah adinka oo aan Lacag bixin, balse maanta lagama yaabo in aan gorgortan ka galno taako kamid ah Falasdiin”.
Sanado kadib, Yuhuudda oo ka faa’iideysanaya dacfi ku yimid dowladdii Cusmaaniyiinta ayaa bilaawday in iyada oo badda kusoo tahriibaysa ay si qarsoodi ah ugu qulqusho Fasaldiin, maanta waxay ka badantahay xoogna ku qabsatay dadkii reer Falasdiin, waxayna dhowaan iclaamisay in Qudus oo ah caasimadda Falasdiiniyiinta oo ay caasimad u tahay Yuhuudda.
Soomaaliyey waxaan ka cabsanayaa in maanta adiga oo raali ka ah lagaa qaniino godkii shalay iyada oo aan raali ka aheyn laga qaniinay walaashaa Falasdiin. Waxaan ka cabsi qabaa in Itoobiya oo boqol iyo dhowr Milyan ah ay qarniyo kadib si fudud u yeelato Soomaaliya sida ay Yuhuudda oo dhowr iyo Toban Milyan ah ay Falasdiin ugu qabsatay boqol sano gudahood. Waxaan ka walwalsanahay saameynta uu jiilka soo socda ka dhaxli doono heshiiska aad maanta halka maalin ku saxiixday adiga oo fiirinaya dano dhow, oo aan ka fekerin mustaqbalka fog. Waxaan isweydiinayaa waxa ay dhihi doonaan Madaxdooda mustaqbalka haddiiba ay madaxdooda maanta sheegayaan in aan nahay hal dal oo dan-wadaag ah.
Waa sax in aad dekadahaan fadhiidka ah u dhiibato qolo hormarisa, ka shaqeysiisa, waxna kasoo saarta balse yay tahay cidda aad Soomaaliyey wax u dhiibatay?
Waa itoobiya oo ay kaala dhexeyso dhiillo iyo cadawtooyo gaamurtay. waa Itoobiya oo kaa agoomeysay carruur badan, kaa garoobbeysay dumar badan, kaa leysay kaana naafeysay rag badan, waligeedna caqabad ku ahed midnimada Soomaaliya.
Waa Itoobiya oo Faqri ah, deris kula ah, kaa tiro badan, kaa xoog badan, kaa taageero badan, maantana xoog ku heysata qeyb kamid ah dhulkaaga, qaar kamid ah wiilashaaduna ay ku jiraan xabsiyadeeda, ayna adagtahay in aad berito nabad uga qaadato usha aad maanta sida fudud ugu dhiibatay, ee hadda ayay talo gudboontahaye si fiican uga fiirso cidda aad wax ku darsaneyso.
Qalinkii: Eng. Hussain Sabrie
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid