Heshiiska DF Somalia iyo Ethiopia oo tuhun galiyay mucaaradka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dowladaha Somalia iyo Ethiopia ay kala saxiixdeen Heshiisyo ka kooban 16 qodob oo dhigaaya maalgashiga Dekadaha ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ee maamulka Somaliland Cdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Heshiiskaasi uu halis ku yahay Somaliland.

Cirro, waxa uu sheegay in maamulka Kulmiye ee haya talada Somaliland laga doonaayo in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu ka jaahil bixiyo Siyaasiyiinta iyo shacabka.

Cirro waxa uu tilmaamay inay ka warheleen warar sheegaya in Dekaddaha ay labada dhinac ku heshiiyeen ay qeyb ka tahay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

‘’Muuse Biixi waa inuu ka jawaaba in Heshiiska Somalia iyo Ethiopia uu saameyn ku yeelanaayo Dekadda Berbera, waxaanu maqalnay inaanu ku jirno Heshiiska taasi jaahil bixinteeda waxaan uga fadhinaa Biixi’’

Cirro, waxa uu sheegay in nasiib darro ay tahay  haddii ay dhacdo in Dekadda Berbera ay ku heshiiyaan Somalia iyo Ethiopia, waxa uuna Heshiiska noocaasi ku sheegay mid muujinaaya in Somaliland ay hoostagto Somalia.

Cirro, waxa uu sheegay in Somaliland ay hoos uga dhacday maqaamkii ay ka taagneyd dhanka Beesha Caalamka, waxa uuna dusha ka saaray xisbiga Kulmiye oo haya talada Somaliland.

‘’Waa sax in Somaliland ay hoos uga dhacday halkii ay horay u taagneyd, waxaa talada haya shaqsiyaad aan u caabooneen isbedel waa inaanu helnaa talaabo aan ku xajisankarno maqaamkeena’’

‘’Waxaan dareemayaa in Somaliland aysan ku baraarugin Heshiiska Somalia iyo Ethiopia, waa inaanu helnaa xaqiiqda Heshiiska suuragal maaha in Dekadda Berbera lala baalmaro Somaliland’’

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Hoggaamiye Muuse Biixi ugu baaqay inuu ka jawaabo Heshiiska, isagoo jawaab la’aanta ku micneeyay raali ka ahaanshiyaha Heshiiska.

Dhinaca kale, Heshiiska labada dal ayaa waxaa kamid ahaa maalgashiga afar Dekadood oo ku jirta gacanta dowlada Somalia, kuwaa oo aan weli la micneen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com