Maamulka Somaliland oo ku wareersan heshiiska ay Ethiopia ku gashay Xamar

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada maamulka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Heshiiska dhexmaray Dowladaha Somalia iyo Ethiopia.

Wasiir Sacad, ayaa marka hore sheegay in socdaalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy ee Muqdisho uu lamid yahay socdaalka maalmahaani uu ku gaarayay Kenya, Jabuuti, Ugandha iyo wadamo kale oo dhowr ah.

Wasiir Sacad, oo wax laga weydiiyay Heshiiska ayaa waxa uu sheegay in labada dal ay xaq u leeyihiin inay is booqdan isla markaana heshiis wada galaan.

Sacad, waxa uu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay ka gaashamato wixii khuseeya oo faragalin lagu hayo, hase ahaatee uusan iminka u jeedin wax faragalin oo muuqda.

Waxa uu tilmaamay inuu jiro xiriir xoogan oo Somaliland kala dhexeeya Ethiopia, hase ahaatee uusan fileynin in Ethiopia ay kusoo xadgudbeyso Somaliland.

‘’Anigu ma oranaayo maxay u heshiiyeen labada dal waayo xaq bey u leeyihiin inay hormariyaan heshiisyadooda’’

‘’Somaliland iyo Ethiopia kama aysan wadahadal arrinta Heshiiska balse waxaa jira fursado wixii intaa ka danbeeya un’baa arrimahaani kala hadli karnaa saxaafada’’

Wasiir Sacad, oo wax laga weydiiyay sababta ay xiriir ula sameyn waayen Ethiopia tan iyo markii uu imaaday Ra’isul wasaaraha cusub Abiy Axmed, ayaa waxa uu sheegay inaysan weli isku helin fursad, isagoo tusaale usoo qaatay safarada joogtada ah ee maalmahaani uu Ra’isul wasaaraha ku maraayay qaar kamid ah wadamada Africa.

Wasiir Sacad, waxa uu sheegay in Ethiopia ay kala hadli doonaan Heshiiska ay la galeen Dowlada Somalia, balse waxa uu meesha ka saaray inuu jiro degdeg.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com