Daawo: Maamul goboleed ku yaboohay mid ka mid ah dekadaha ay rabto Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa maalinta labaad ee ciida Heshiis heer Qaran ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Heshiiska ayaa waxaa dowlada Ethiopia u saxiixay Ra’isul wasaaraha dalkaasi, halka Somalia uu u saxiixay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo uu barbar fadhiyay Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Kheyre.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa dhinacyada iskaashiga amniga, diblomaasiyadda, iyo arrimo kale.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka maamul Goboleedyada markii ugu horeysay taageeray Hoggaamiyaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Waare oo ka hadlaayay Heshiiska ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo in Ganacsiga Ethiopia iyo HirShabeelle uu noqdo mid isku furma.

Waxa uu Waare sheegay in Heshiiska uu yahay mid ahmiyad gaara u leh Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Heshiiska uu dhibaato uga imaanayo Somalia.

Waare oo ka hadlaayay qodobka maalgashiga Dekadaha ayaa sheegay in afarta Dekadood ee miiska saran ay kamid tahay degmada Cadale oo la dhisaayo taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, sida uu hadalka u dhigay

“Aad ayaan u soo dhaweyneynaa  Heshiiskaas, waayo annaga xuduud ayaa ku xignaa, in la furo Kastamka Feer Feer meeshaas ay noqoto meel laga ganacsado intii xero milateri ku ooli laheyd, maalintii ay isu gudbaan boqol baabuur, dadka is dhex maro, dadka ka yimaada Mustaxiil ay yimaadaan Beledweyn, Godey iyo Beledweyn la isu maro, jidadka la sameeyo”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Hoggaamiye Waare waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay ku amaanan tahay Heshiiska ay la gashay dowlad Ethiopia, waxa uuna cadeeyay in ka maamul ahaan ay ka faa’iideysan doonaan Heshiiska.

“Waxaa aaminsanahay in Dekedda Cadale laga dhisayo ay noqoto afarta dekeda ugu horeysa, Dekedaas ay noqoto deked Lojisticik, in jid laga bixiyo, Jid Tareen laga bixiyo, anaga Hirshabeelle ahaan waxa anoo muuqda horumar weyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Geesta kale, Waare ayaa ku baaqay in Ganacsatada HirShabeelle ay qudhooda ka faa’iideysan doonaan fursada Heshiiska.