MAHAD Salaad oo 7 arrin ka yiri heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Somalia iyo Ethiopia ayaa heshiis ku saleysan arrimo badan ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kadib markii Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu booqasho hal maalin ah ku yimid Muqdisho.

Heshiiskaas ayaa qodobada qaar waxaa dhaliil ka muujiyey Xildhibaano, Siyaasyiin iyo Shacab aad uga soo horjeeda isbedelada Siyaasadeed ee uu ku talaabayo dalka.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta dhaliilsan Heshiiska ayaa sheegaya in dalka si toos ah loogu gacan galiyay dowlada Ethiopia oo markii hore ay colaad kala dhexeysay Somalia.

Qaar kood ayaa sheegay in Ethiopia ay wakiil u tahay dowlada Imaaraadka carabta oo uu khilaaf kala dhexeeyo Somalia, maadama Ra’isul wasaaraha Ethiopia ay Wasiirka arrimaha Dibadda Imaaraadka maalin ka hor inta uusan imaan Muqdisho isku arkeen magaalada Riyadh.

Xildhibaanada sifaha foosha xun ka bixiyay Heshiiska waxaa kamid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal qodobeysan ka sameeyay Heshiiska.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA QODOBEYSAN EE MAHAD SALAAD:

1-Booqashada deg dega ah ee Ra’isul wasaaraha Itoobiya ku yimid magaalada Mogadishu.

Heshiiska deg dega ah ee lagu saxiixay saacadaha kooban iyo ka fiirsasho la’aanta madaxda Soomaaliya gelitaanka heshiisyada nuucaan oo kale ah.

2-Damaca Itoobiya iyo hadalka kasoo yeeray Ra’isul wasaaraha Itoobiya ee ah in u kula heshiiyay madaxda Soomaaliya in labada dowladeed (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay isku noqdaan hal dowlad.

3-Fariinta la tuhunsan yahay in Ra’isul wasaaraha Itoobiya uu ka waday Maxamed Bin Zayed, dhaxal sugaha Imaaraadka ee Madaxweyne Farmaajo la soo gaarsiiyay, isla markaana jawaab ka sugayey inuu RW Itoobiya kusoo celiyo waxa uu Madaxweyne Farmajo ka yeeli doono soo jeedimaha Imaaraadka.

4-Rabitaanka Imaaraadka ee ah in dhammaan dekadaha gobolka ku yaala la curyaamiyo oo lala galo heshiisyo dhaadheer oo aysan ka bixi karin si meesha looga saaro maalgelin shisheeye.

5-Diidmada Madaxweyne Farmaajo uu diiday in uu saxiixo qaraarkii labada Gole Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ku buriyeen heshiiskii Berbera iyo in DP World dalka Soomaaliya laga eryo.

6-Hardanka siyaasadeed ee salka ku hayo masaaliixda quwadaha waaweyn iyo kuwa gobolka ay ka leeyihiin geeska Africa sida Mareykanka, Shiinaha, Turkey iyo Imaaraadka oo dhammantood saamayn xoog leh innagu leh.

7-U nuglaanshaha Soomaaliya faragelinta shisheeye iyo bisayl la’aanta siyaasiinta Soomaalida, khilaafka dowladda federaalka iyo Somaliland, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, dagaalka Tukaraq oo dhalin kara faragelin cusub.

Dhammaan qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo laga yaabo dadka Soomaaliyeed in aysan hada ku baraarugsaneyn waxay horseed u noqon karaan cawaaqib xumo aan laga soo kaban karin oo ku habsata dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Suurta galna ka dhigi karta in la waayo midnimada iyo madax banaanida Soomaaliya, aayo-katalinta masiirka umadda Soomaaliyeedna uu gacanta u galo quwado shisheeye oo siday doonaan ka yeela.

Mahadsanidiin.

Hon. Mahad Salad