Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo maxkamada caalamiga ah ee ICJ la horgeyn doono

Hague (Caasimada Online) – Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Maxkamadda Caalamiga (ICJ)  kalsooni weyn ka muujiyey gal-dacwadeedka ay ku difaacayaan Badda Soomaaliyeed.

Garyaqaannada ayaa aaminsan in dhammaan caddeymaha ay gudbiyeen ay ku qancin karto dhex dhexaadiyaasha caalamiga xaq-lahaanshaha Soomaaliya ee ku aaddan dacwadda ay dhan ah Kenya.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah Garyaqaannada Soomaaliyeed ee ku sugan Hague ayaa walaac ka muujiyey qorshe la sheegay in ay ku dhaqaaqayaan dhiggooda Kenya, kuwaas oo doonaya in ay markhaanti gashadaan masuuliyiin Soomaaliyeed oo horey ay heshiis u wada galeen.

Sharci yaqaannada Soomaaliya u doodaya ayaa shaaca ka qaaday in Garyaqaannada Kenya ay doonayaan in Maxkadda ICJ ay horkeenaan Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirishiid iyo Wasiirkii Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah C/riximaan C/shukuur Mire oo ay ku doodayaan in heshiis is afgarad ay la galeen.

Inkastoo Xeer Ilaalinta Soomaaliya ay ku adkaysanayaan mowqifkooda iyo sida ay u difaacanyaan dalkooda, haddana cabsida soo ifbaxday ayaa ah in labadaas siyaasi ay ka hor caddeeyaan Maxkamadda hadal dhabar jab ku noqda dadaalka ay wadaan Garyaqaannada ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.