Abiy Ahmed oo barlamanka Ethiopia jawaab lama filaan ah ka siiyay muslimiinta lagu tilmaamo argagixisada

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Ethiopia ay ku kacaan falal argagixiso.

Abiy Axmed, ayaa hadalkan ka hor sheegay Saraakiisha Hay’adaha amaanka dalkiisa, kadib markii ay kordheen kiisaska fal danbyeedyo ee lagu helaayo ciidamada Ethiopian-ka ah.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in falalka ay geystaan ciidamada Ethiopia ay kamid yihiin xarig sharci darro ah iyo jir dil aan loo baahneyn, waxa uuna arrin foolxun ku sheegay in argagixiso lagu tilmaamo dadka muslimka ah.

“Waa xaqiiq wey dhacdaa in askarta Ethiopia ay geystaan falal argagixiso oo sharci darro ah”

Abiy Axmed, waxa uu sheegay inay aad u badan yihiin kiisaska jir dilka ah, waxa uuna tilmaamay in askarta ku dhaqanta falalka ceynkaasi ah ay danbi ka galeen sharciga ciidan ee dalka u yaal.

Dadbadan oo u xirnaa tuhuno oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka.

Ra’isul wasaare Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri ‘’Yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan’’.

Sidoo kale. Abiy wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Ethiopia ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo maxaabiis ah.

Haddalka Abiy ayaa imaanaya iyadoo isbedel dhinacyo badan leh laga dareemayo dalka Ethiopia tan iyo markii la doortay Ra’isul wasaare Abiy.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.vom