Dhageyso Buubaa “Faa’iido weyn baa ku jirta heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa wareysi uu siiyey idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, wuxuu kaga hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu sheegay Buubaa in heshiiskaasi uu yahay mid micno weyn ku fadhiya, islamarkaana heshiiska dekadaha yahay mid isbedallo ka hirgelin kara guud ahaan dhulka Soomaalida.

Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in hadda kaliya un la heshiiyey balse la sugayo qaabka heshiiskaasi uu ku dhaqangalayo iyo faah-faahinta dheeriga ah.

Buubaa ayaa sheegay in haddii Ethiopia ay maal-gashaneyso dekadaha Soomaaliya ee aan cidna daryeelin ay taas faa’iido weyn u tahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna tahay in la soo dhaweeyo.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku heshiiyey arrimo la xiriira horumarinta dekadaha iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com