Toban qodob oo aan laga fahmin booqashadii uu Abiy Ahmed ku tagey Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmahan baraha bulshada la isla dhex marayay aragtiyo kala duwan oo laga bixinayo booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku yimid Muqdisho iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay. Haddaba qodobadan kooban waxaan ku eegeynaa 10 qodob oo aan laga fahmin booqashadaas iyo natiijadii ka soo baxdayba.

  1. Heshiis mise war-murtiyeed: Kulanka madaxweyne Farmaajo iyo RW Abiy Axmed waxaa gabagabadiisa ka soo baxay war-murtiyeed (communiqué) ee ma ahayn heshiis la kala saxiixday. War-murtiyeed wuxuu soo koobaa qodobadii laga wada hadlay.
  2. Guddiyo: Waxay labada mas’uul ka wada hadleen in guddiyo heer wasiir ah loo saari doono inay sii wadaan wadahadallada, markaas oo faahfaahinta qodobadaas loo tagi doono. Waxaa dhici karta in lagu heshiiyo ama lagu heshiin waayo. Heshiisyadaas oo marka ay dhacayaan la hor geyn doono goleyaasha Baarlamaanka.
  3. Heshiisyadii Berbera/Boosaaso iyo war-murtiyeedka Muqdisho: Xukuumaddu hore ayay uga hadashay inaysan diidaneyn in maalgashi shisheeye lagu sameeyo dakadaha Soomaaliya, balse waxaa Imaaraadka lagu diidanaa inay arrimo qaran kala hadlaan dawlad-goboleedyo.
  4. Suuqa Itoobiya: Dalalka Geeska Afrika ayaa ku tartamaya suuqa 100ka milyan ee Itoobiya. Dhammaan dalalkii uu booqday RW Abiy Axmed waxaa Itoobiya loo ballanqaaday inay saami ku yeelato dekadaha si loo soo jiito inay halkaas ku soo xirmaan.
  5. Hal albaab: Waxaa guul ah in Itoobiya oggolaato inay Muqdisho kala macaamisho dhammaan wixii arrimaha Soomaaliya khuseeya, halkii ay markii hore dawlad-goboleedyada mid mid ula macaamili jirtay. Waa horumar la soo gaaray maanta, isla markaana sii xoojin doonta midnimada iyo madax bannaanida dalka.
  6. Fursadaha maalgashi: Waxaa war-murtiyeedka lagu sheegay in labada dhinacba ay ka furan yihiin fursado maal-gashi. Haddii Itoobiya ay dekedaheena nagula shirkoobeyso si ay suuqaas noogu soo leexiso, waxaan annagana saami ku yeelan karnaa isgaarsiinta iyo korontada Itoobiya. Waxay sidaas oo kale kula heshiisay Jabuuti.
  7. Suuqyo kale: Itoobiya waxay ka mid tahay suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA. Soomaaliya waxay qorsheyneysaa inay suuqaas ku biirto. Haddii labada dal ay isku suuqa galaan waxaa qabanaya shuruucda isu-socodka ee suuqaas. Haddii xitaa labada dal aysan gooni uga heshiinin arrimaha ganacsiga waxaa isku-furkooda khasab ka dhigi doona suuqyo kale oo ay xubno ka yihiin.
  8. Diblomaasiyaddu waa laba dhinac: Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa isaga xiran waxyaabo badan oo aan dekedaha kaliya ahayn. Tusaale ahaan sida loo qeybsanayo biyaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle waa inay labada dal ka xaajoodaan oo aysan Itobiya ka sameysan biyo-xireennadii ay doonto oo saameyn ku yeelan doona beeraheena. Danaha labada dal ay iska leeyihiin way sii kordhi doonaan mar kastaba.
  9. Hadalka Abiy: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in aragti ahaan uusan aaminsaneyn cadaawaddii hore, aysan isku baahan yihiin labada dal. Arrintaas waa aragtidiisaa fog ee ma ahayn wax laga wada hadleysay ama lagu heshiiyay. Qofka siyaasi ahna wuu lahaan karaa aragtidaas.
  10. Soomaalida iyo Geeska Afrika: Khabiirka reer Suudaan ayaa sheegay in Soomaalida sanadaha soo socda ka talin doonto Geeska Afrika marka la eego heerka ay kaga jiraan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Soomaaliya ma aha dad looga baqayo in la liqo ee haddii ay helaan fursado waxay si sahlan ugu guuleysan karaan madaxnimada dalalka gobolka oo dhan. Heer Soomaalidu jagooyin sare ka qabanayaan Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, wax weyn lama aha inay hoggaamiyaan gobolka haddii ay helaan fursado xor ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com