Somaligii afduubay Amanda Lindhout oo lagu xukumay 15 sano kadib markii xeelad cajiiba lagu geeyey Canada

Ottawa (Caasimadda Online) – Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed isla markaasna si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa waxa ay ku xukuntay xabsi gaarayo ilaa 15 sano kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd sanadkii 2008.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa dhawr jeer kasoo muuqday Maxkamadaas isagoo mar kasta ku adkeysanayey inuu ahaa kaliya turjumaan isla markaasna uusan wax lug ah ku laheyn afduubka, waxayna qaaadatay maxkamadeyntiisa muddo badan.

Arrinta ugu weyn ee loo cuksaday xukunkiisa ayaa ah markii Maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay caddeyno isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadalka ku jiray hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo qoraalo iyo wada hadal dhex maray isaga iyo ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan dowladda Canada kuwaas oo isaga dhigay dad qandaraas usoo dhameenayo.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in Cali Adeer lagu xukumay muddo 15 sano oo xabsi ah, wuxuuna qaadiga maxkamadda ee go’aanka soo saaray tilmaamay inuu Cali u qalmo xukunka lagu riday isla markaasna uu kiiskiisa sidaas kusoo xirmay.

Cali Adeer ayaa si qiyaano ah lagu geeyey dalka Canada kadib markii ay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa uu la galay dharcad ka tirsan dowladda Canada oo uu isaga u heystay inay ahaayeen dad caadi ah oo caawinayo maadaama si mala awaal ah loogu sheegay inuu buugaas ka heli doono lacag waali ah.

Qaadiga Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka 15 sano ah ee Cali Cumar Adeer lagu riday laga jari doono mudada ay socotay maxkamadeyntiisa markaas oo uu ku jiray xabsi, waxaana laga jari doono ilaa 3 sano, taasoo ka dhigan inay u dhiman tahay ilaa 12 sano oo kale.

Kiiska ninkaan Soomaaliga ah lagu heysto ayaa ahaa afduub sanadkii 2008 dalka Soomaaliya loogu geystay Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia kuwaas oo gacanta afduubayaasha ku jiray  460 maalmood.

Nimanka afuudbka u geystay labadaan qof ayaa ugu dambeyntii Gabadha Canada kasoo jeeday ka qaatay 600,000$ oo madax furasho ah oo ay bixiyeen qoyskeeda, waxaana afduubayaasha iyo qoyska u kala turjumayey Cali Adeer oo ah ninka hadda lagu xukumay xabsi waqti dheer.

Halkan ka aqriso xeeladda cajiibka ah ee Cali Adeer lagu geeyey Canada 

Caasimada Online
Xafiiska Ottawa
Caasimada@live.com