Israel oo ku dhawaaqday go’aan naxdin leh oo ku saabsan Daanta Galbeed

Daanta Galbeed  (Caasimadda Online) – Deegaanada Daanta Galbeed iyo dhammaan dhulalka sida sharci darada ah loo dagay ayaa noqon doono qeyb kamid dhulka Israa’iil sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada hayo isla markaasna ah wasiirka Waxbarashada ee Israa’iil Naftali Bennett, sida uu qoray wargeyska Hebrew news site 0404.

Hadalka kasoo baxay hogaamiyaha xisbiga talada hayo ayaa imaaday kadib markii ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ilaa 15 guri kuwaas oo ku yaalay Netiv HaAvot oo ah buur ay lahaayeen dadka Falastiin isla markaasna hoos tagto xaafadda Al-Khader ee Galbeedka Bethlehem ee xoogga lagu heysto.

Naftali Benneta ayaa si rasmi ah u sheegay inay Israa’iil isku raacday in deegaanadaas lagu daro dhulalka ay xoog ku heystaan isla markaasna laga dhigo buurta korkeeda xaafad aad u weyn oo la dajinayo dadka Reer Is’raaiil.

Burburintaan ayaa imaaneyso kadib ku dhawaad laba sano oo kasoo wareegtay markii Maxkamadda Cadaaladda Israa’iil ay xukmisay in guryahaas laga dhisay dhul ay lahaayeen Shakhsiyaad Falastiiniyiin ah, waxayna amartay in la dumiyo 8 Bishii Marso ee sanadkaan, balse waxaa loo qabtay 3 bil gudahood in dadka halkaas dagan loogu diyaariyo meel ay dagaan.

Dhammaan guryaha ay Israa’iil ka dhisatay Daanta Galbeed ee xoogga lagu heysto iyo Bariga Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa loo arkaa inay yihiin shari darro sida ku caad sharciyada adduunka.

Dowladda Israa’iil ayaa weli wado dhismooyin ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxayna arrintaas sii xoogeysatay markii uu guuldaro kusoo dhamaaday wadahaladii u dhaxeeyey Israa’iil iyo Falastiin.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka waxbarashada ayaa dhibaato ku noqon doono dadka Reer Falastiin maadaama maalin kasta la boobayo dhulkooda, wuxuuna ninkaan si cad u sheegay qorshaha ay ku damacsan yihiin inay ku boobaan dhulalka Falastiin.

Caasimada Online

Xafiiska Qudus

Caasimada@live.com