Xog: Xaaf oo galay xaalad wareer ah iyo Sh. Shakir oo awood dheeri lasoo baxay

Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku jiro xaalad wareer ah oo ku saabsan magacaabista wasiiro cusub iyo isku shaadheyn la filayo in lagu sameeyo golaha Wasiirada.

Sida qorshuhu ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa laga sugayey inuu magacaabo Gole wasiiro kuwaasi oo qaarkood lagu bedelaayo wasiiradda hada Shaqeeya Hase’yeeshee waxaa lagu kala aragti duwan yahay qaabka loo maraayo sida aynu xogta ku helnay.

Sida xogta ay ku heshay Caasimadda Online waxaa banaanka usoo baxay khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku saleysan sida loo magacaabayo wasiirada iyo cidda go’aanka iska leh.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doonayo inuu kaligiis magacaabo golaha Wasiirada isla markaasna aysan wax talo ah ku lahaan Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxda Xukuumadda Shiikh Maxamed Shaakir.

Arrintaas ayaa waxaa si weyn uga hor imaaday Shiikh Maxamed Shaakir  oo xil ahaan ku fadhiyo qeyb kamid ah awoodda Madaxweyne Xaaf kadib markii lagu heshiiyey sidaas ka hor inta aan labada maamul la isku darin.

Shiikh Maxamed Shaakir ayaa dalbaday inuu qeyb ka noqdo go’aanada lagu soo magaaabayo Golaha Wasiirada isla markaasna laga siiyo saami, waxaana arrintaas gaashaanka u daruuray Madaxweyne Xaaf oo u arko inuu awoodda magacaabista golaha Wasiirada uu isaga kaligiis leeyahay.

Khilaafkaan ayaa keenay in dhawr jeer dib loo dhigo magaabista golaha Golaha, waxaana hadda muuqato inay kala fogaanayo Madaxweyne Xaaf iyo Sh. Shaakir oo maalmihii dambe ahaa laba mas’uul oo isku xir isla markaasna ay wax kasta isugu toosan yihiin.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku jiro xaalad wareer ah waxaana hadda hor taalo laba daran mid dooro, maadaama uusan heshiis la aheyn madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlaamanka oo iyagoo careysan ku shaqeeyo guri ku yaalo Magaalada Cadaado kadib markii loo diiday Madaxtooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com