Gudoomiyaha Aqalka Sare oo loo diiday inuu garoonka Aadan-Cadde ka dhoofo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay hor istaageen ciidamada AMISOM.

Wararka laga helayo Garoonka Ade Cadde ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay muddo saacaddo ah xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Garoonka u tegay inuu dalka ka dhoofo.

Guddoomiyaha iyo Xubno la socday ayaa doonayay in ay aadaan dalka Kenya balse xilli ay marayeen afaafka laga soo galo Garoonka gaar ahaan Madiino Geyd ay celiyeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaasi ilaalo ka haya,iyaga oo u diiday in ay garoonka galaan.

Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dadaal u galay arrintan ayaa markii danbe ku guuleystay inay fasaxaan guddoomiyaha Aqalka sare.

Arrintaan ayaa dhalisay inay si weyn uga caroodaan xildhibaannda aqalka sare oo kulan degdeg yeeshay, iyagoo cambareeyay falka lagula kacay guddoomiyaha Aqalka sare.

Guddoomiye ku xigeenka labaad  ee Aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u sheegeen in ay yihiin masuuliyiinta Golaha Aqalka Sare,isla markaana ay doonayaan in ay galaan Gudaha Garonka balse ay u diideen.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in halkaasi ay ku xayirnaayeen mudo 50 Daqiiqo ah oo hal saac ku dhow,hayeeshee AMISOM uu sheegay in maanta falka ay ku kacday aysan aheyn mid loo dul qaadan karo, isaga oo Xubnaha Aqalka Sare ugu baaqay in ay jawaab cad ka bixiyaan.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falka tacadiga ah oo lagu xanibay Gudoomiyaha Aqalka Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com