Sida Farmaajo u arko guriga la sheegay in loo dhisayo oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday sida uu Farmaajo u arko lacagta la sheegay inay shacabka u ururinayaan ee guriga loogu dhisayo.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in fikraddan oo loogu magac daray “Mahadsanid Madaxweyne” ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, si loogu mahad celiyo islamarkaasna lagu abaal mariyo ammaanadii qaran ee uu u xifdiyay bulshada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas raaciyay in madaxweynuhu markii uu maqlay fikraddaan oo ay soo gaarsiiyeen shacabkii fikradaan lahaa inuu aqbalay uuna u arkay in fursadaani ay tahay mid fiican, maadaama aysan horay ugu dhicin Afrika in madaxweyne xill qabtay dad shacab guri u dhisaan.

Cabdirashiid ayaa intaa ku daray in madaxweyne Farmaajo uu diiday in lagu takrifalo hantida qaran, islamarkaana la dagaalamay masuq maasuqa iyo wax walbo oo ku gadaaman, sidaasi awgeedna markaan madaxweynuhu ay abaal mariyaan.

Gurigaan ayuu sheegay inuu yahay guri aan caadi aheyn oo maadaama buuga diiwaan gelinta layaabka dunida ay geli doonto. Wuxuu sheegay in dadka fariimaha iyo lacagaha soo diraayo ay ugu badan yihiin ciidamada oo leh “Madaxweyne Mahadsanid, intii xilka haysay hal bil ma weyn mushaarkeena”.

Aqoonyahano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qorshaha lagu ururinayo lacagtan uu yahay mid lagu been xalaaleynayo (Money Laundering) malaayin dollar oo Farmaajo uu ka qaatay hantidii dowladda.

Dalalka caalamka ayaa waxaa inta badan u degsan sharciyo xaddida lacagta cash-ka ah ee qofka hal mar banki geyn karo, waxaana inta badan lagu xaddidaa ugu badnaan 10 kun oo dollar. 

Soomaaliya ma lahan sharci noocaas ah, balse maqaamka iyo magaca Farmaajo ayaa soo jiidan kara dareenkooda islamarkaana abuuri kara shaki badan haddii lacag tiro badan mar lagu shubo, ayada oo sidoo kale ay fududahay in xogtaas la helo.  

Inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto Farmaajo, haddana waxaa la qiyaasayaa inay malaayiin dollar dhan tahay, ayada oo laga qiyaas qaadanayo ololihii doorashada.

Farmaajo wuxuu ahaa musharaxii bixiyey lacagtii ugu badneyd doorashada, ayada oo xildhibaankiiba uu siiyey 100 kun oo dollar, inkasta oo aan la aqoon tirada xildhibaanada uu lacagta u qeybiyey. 

Waxa uu sidoo kale hadda kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 25 kun oo dollar, oo sanadkii keeneysa 300,000 oo dollar. Taasi waxa ay dhalineysaa su’aal ku saabsan lacagta Farmaajo u helay inuu xildhibaano ku iibsado, gurina ku ku kireysto, balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto. 

Jawaabta ayaa noqon karta in ujeedku yahay indhaha dadka laga leexiyo guriga. Guri laga dhiso aagga cagaaran ee Muqdisho oo ah aagga garoonka waxaa ku baxaya malaayiin dollar, mana ahan wax qarsoomi kara.