Sida lays ku waafajin karo sharciga hanti-dhowrka, dastuurka, iyo sida shaqada dowladda hadda ay tahay

Sharicga Hantidhowrka waxaa soo gubiyay golaha wasiirada, Golaha Shacbiga, hadana waxaa uu hada layaal Golaha Aqalka Sare. Waxaa aan waraaqdaan usoo qoray talo bixin aan ka waramayo sida dowladu hada u shaqayso, sida Baarlamaanku soo gubiyay ama oo Dastuurka ku meelgaarku qabo iyo tolo bixin sidi laysku waa fajin lahaa habdhaqanka toosan ama ugu fiican ee ay aqbali karaan Bangiyada aduunka, IMF, World Bank, deeq bixiyaasha ama deyn cafiyaashu naga sugin. Waxaa aan halkaan ku iftiimin qodobo muhiima oo ah taariikhda Hantidhowrka sida loo shaqaalaysiiyo hantidhowre, shaqada looga qaado iyo Mabaadiida Hantidhowrka. Arimahaani waxay la xiriirtaa madax banaanida Hantidhowrka waana arimaha ugu mihiimsan sharcigaan.

QEEXID MADAXBANAANIDA AYAA GUN DHIG U NOQON QAYMEYNTA SHARICIGAAN

Ururka Hantidhowrada Aduunka (International Organization of Supreme Audit Institions) oo ah Urur caalimiya oo Hantidhowrada aduunku xubin ka yihiin, waxaan ka qaadan karnaa su’aalaha muhiima oo noo hagi kara sida Sharciga Hantidhowrku inuu la falgalo sharuucda aduunka iyo kuwa wadanka u yaalba. Sedexdaan su’aalood jawaabtooda baa inoo muhiima inaan ka jawaabno:

  • Waa Sidee Taariikhda Hantidhowrnimada
  • Yaa magacaabin Hantidhowraha
  • Sidee Hantidhowruhu shaqada looga qaadaa

Sadexdaas qodob baan warqadaan ku falanqayn.

HORDHAC

Xafiisyada Hantidhowradu aduunka waxay raacaan sadex nooc midkood (three models):

  • Nidaamka Maxkamadaha, cour des competes (court of accounts) ama (Napoleonic System), oo leh awood maamul iyo mid maxkamadeed waxaa isticmaala wadama (Latin Countries) sida France, Italy, Spain, Portugal,  Latin America, iyo Francophone. Nidaam kaani wuu ka madaxbanaan yahay hayda fulinta iyo sharci dejinta. Nidaamkaani waxaa uu awood uleeyahay inuu baaro hay’adaha kadibna uu maxkamadeeyo haduu danbi ku helo.
  • Nidaamka Baarlamaanka, (Westminster) waana midka aan isticmaalo, hoos baana ku faah faahin. Waxaa isticmaala wadamada Commonwealth. Nidaamkaani ma leh awood uu wax ku maxkamadeeyo sida Napoleonic System wuu ka awood yar yahay.
  • Nidaamka Gudi (The Board). Waxaa isticmaala badanaa wadamada Asia. Waxaa uu udhow yahay Westminister. Waana uu ka madaxbanaan yahay fulinta waxaa uuna Gudigaani ku caawiyaa Baarlamaanka si uu Baarlamaanku u guto awoodiisa ah korjoogtaynta Xukuumada.

NIDAAMKA BAARLANAAMKA

Nidaamkaani waa midka aan hada isticmaalo. Waxaa jira Bayaano badan iyo hay’ado caalamiya kuwaas oo dhiirigalinaya madax banaanida Hay’adaha Hantidhowrada Aduunka, sida Bayaanka  la yiraahdo (LIMA DECLARATION), Bayaanka Mexico, (Mexico Declaration), Heyada Aduunka ee Hantidhowradu ka mid yihiin ee (INTOSAI) oo kuligood tilmaamin madexbanaanida, daahfurnaan, isla xisaabtan iyo Hufnaanta. Markaan jaleecno Soomaaliya, waxaa muhiima in lays waafajiyo sharcigeena, Dastuurka iyo shariciyada Hantidhowrada si aan ula jaan qaadno mabaadiida hantidhowrada, Banigiyada aduunka, Maalgashigayada aduunka ama bangiyada sida IMF, WORLD BANK, iyo deeqbixiyaashu ama dayn cafiska hada  nagala doonin udhaqmaan. Hay’ada Hantidhowrkeenu waa Hay’ad Madexbanaan oo kamida Hay’adaha Hantidhowrada Aduunka, Africa iyo tan Carabta. Xafiiska Hantidhowrku waa Hay’ada hubinaysa in canshuurtii laga qaaday dadka la mariyay meeshii loogu tala galay, in sidii ugu tayo badnayd shaqada loo qabtay iyo in sharuucdii wadanka  laraacay marka kharash Xukuumadu galayso.

MABAADIIDA HOGAAMINAYSA HANTIDHOWRKA GUUD WAA MADAXBANAANI

Qaabka loo magacaabo waa mabda kamida mabaadiida qeexin madaxbanaanida hantidhorka. Waxaa uu Dastuurka Qodobka 114aad uu tilmaami in uu xafiiskaani madaxbanaan yahay. Sidoo kale sharciga hantidhowrku waxaa uu tilmaami in uu umadax banaan yahay howlihiisa Dastuurigaa. Waxaa ku cad sharciga Handtidhowrka in uu shaqadiisa u guto si daafuran, madexbanaan, uuna wood uleehayay inuu gali karo meel kasta oo kamida Soomaaliya.

Waxaa muhiima in Hantidhorku leeyahay miisaaniyad uu ku shaqeeyo uuna u madax banaan yahay, xafiiskuna diyaarsado. Hantidhowrku waxaa uu hoos imaan oo u gudbisan miisaniyadiisa gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka guud baa ansixin miisaaniyada Hantidhowrka Guud. Hantidhowrka Guud waxaa uu warbixintiisa siinayaa Madaxweynaha, Baarlamaanka, iyo Raisul Wasaaraha iyo Gudiga Maaliyada oo si hoose ula shaqeeya

YAA MAGA QAABIN HANTIDHOWRKA GUUD?

Ugu horeyn waxaa cad marka lafiiriyo Qod. 117aad ee Dastuurka ku meel gaarka inuu Madaxweynuhu magacaabin Hantidhowrka Guud, saraakiisha sarsare, markuu latashado Golaha Wasiirada).  Waxaa kale oo Qod 90aad (K) Dastuurka ku cad in Madaxweynuhu magacaabin Hantidhowrka Guud, saraakiisha sarsare waana awooda Madexweynaha. Talada taala waa sidee laysku waafa jinkaraa mabaadiida caalamigaa ee hantidhowrada, Dastuurkeena, iyo sida hada shaqada dowladu u socoto.

FIKRADAYDA-Anigoo soo koobin waxaan tusaale usoo qaadan wadanka Liberia oo dhawaan dayn cafinta dhaafay. Waxay leeyihiin gudi loo magacaabo oo usoo gudbiya sadex qof (short list) Madaxweynaha. Madexweynaha ayaa waxaa uu kala bixin hal qof kadibna waxaa uu latashan Baarlamaanka ayadoo ayna ahayn in codloo qaado oo talo kaliya ah. Kadibna Madexweynaha ayaa Maga caabin. Su’aashu u baahan in layswaydiiyo waa sidee laysku waafajin Dastuurkeena iyo in talo ay ku yeeshaan baarlamaanku. Waxaan aan fikir ahaan soo jeedin in sida ku cad Qodobka 90aad Xarafka (K) ee ah in Golaha wasiiradu soo gudbiyaan Handtidhowraha kadibna Madexwaynuhu magacaabin kadib markii uu la tashado Gudoonka Labada Aqal ama Baarlamaanka. Tani waxay is waa fajin Dastuurka Kumeelgaarka iyo sida Hantidhowrada aduunku yihiin.

XILWAAYISTA HANTIDHOORKA GUUD

Marka laga hadlin Sharciga Hantidhowrka Aduunka, iyo kan Soomaaliya, iyo Dastuurka, waa inaan iswaydiinaa qaabkee ayaan ukeenaa sharci ka shaqaynkara xaalada wadanka (de facto ) la jaan qaadi kara. Hadii la sameeyo sharuuc badan oo aana horay la dhaqan galin karin waxay keenin iska hor imaad maamul iyo shaqadii oo curyaanta.  Hada sharciga Hantidhowrku waxaa uu yaalaa Aqalka Sare waxaa lasoo jeediyay fikrado badan oo hada ka hor imaan Qodobo badan oo Dastuur ah: Tu’saale ahaan in oo Hantidhowrka guud baarlamaanku u codeeyo waxay u baahan tahay in lagu soo daro waxka badalka Dastuurka hada gacanta lagu hayo. Lakiin lama jaan qaadi karo Dastuurka kumeel gaarkaa ee hada yaal maadaama uu awooda siinayo Madexweynaha.

FIKRADAYDA-Maadaama hada Madexweynuhu shaqada ka qaado Hantidhowraha (de facto) waxaa haboon in laga dhigo in Madaxweynuhu shaqada ka qaadin Hantidhowraha kadib markuu la tashado Gudoonka Labada Aqal ama Baarlamaanka.

GUNAANAD/TALO

Talada koowaad, si Hantidhowrku shaqadiisa uguto sida ugu macquulsan, sharcigeenuna la falgalo sharuucda aduunka, waa in lays waafa jiyaa sharuucda wadanka iyo sida hada shaqadu u socoto (de jure/de facto) si aan loo abuurin iska hor imaad iyo jaahwareer sharci. Hantidhowrka Guud waxaa uu u madexbanaan yahay shaqadiisa, waxaa uu gali karaa oo baari karaa xafiiskasta oo dowladee, sida kan Madexweynaha, iyo Ra’iisul Wasaaraha. Hantidhworaha Guud waxaa uu u madaxbanaan yahay miisaaniyadiida arimahaas oo dhan waan mabaadiida aasaasigaa oo tilmaami badax banaanida, sharci Hantidhowrkeenu wuu la kulmi mabaadiida asaasiga ee aduunka. Ugu danbayn Hantidhowrka Guud waxaa uu leeyahay Xasaanad lamna ciqaabi karo markuu ku guda jiro shaqadiisa. Sharuudahaas ayaa ka gundhig u ah Hantidhowrka Guud madexbanaanidiisa. Ugu danbayn inta sida uu qabo Dastuurka ku meelgaarka, waa in loo daayaa magacaabida Madaxweynaha inta laga sixin Dastuurka. Waxii had aka dhiman sharcigaan oo xildhibaanadu ku dari waayaan waa wax uu ka xadiday Dastuurka Kumeel Gaarka.

W/Q: Senator Farhan Ali Hussein, Ph.D.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid