Sida loola dhaqmay Galan iyo Faarax Cali Shire oo muujiyey in beeshooda laga ilaalinayo xukunka

Yaab iyo dhabanno hays ayey noqotay in markale maanta musharax Gallan loo diiday in uu ka khudbadeeyo Barxadda Garowe oo ay taageereyaashiisu aad ugu diyaar garoobeen.

Sida uu wareysi uu bixiyey Gallan ku xaqiijiyey waxaa arrintaas ka dambeeyey Cabdiweli Gaas oo ciidamada Puntland soo dhoobay Barxadda iyaga oo xir xiray gudigii qaban qaabada soo dhaweynta Gallan halka ay xabsi iyo jirdil isugu dareen.

Ma aha dhacdo ugub ah in musharax Cali Saleebaan ah sidaas loola dhaqmo, isla ol’olahan hadda socda waxaa sidoo kale magaalada Qardho lagu bahdilay Faarax Cali Shire oo ka mid ah mushariixiinta ugu cad cad ee la loolami kara kuwa Maxamuud Saleebaan.

Ku darso, Shire Cali Faarax ayaa 2009 isna loo diiday Garowe in lagu soo dhaweeyo xilligii Faroole Madaxweynaha ka ahaa Puntland.

Hore waxaa aad loo baahiyey oo ay qoreen wargeyso badan in beesha Maxamuud Saleebaan ay shir qarsoodi ah ka yeesheen cabsida ka soo food sareysa Cali Saleebaan oo aan hore xilkan uga qaban Puntland 20-ka sano ee ay jirto.

Waxyaabaha ay shirkaas qarsoodida ah kaga hadleen ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan dhaafin Maxamuud Saleebaan lagana hortago Cali Saleebaan oo ay u arkaan caqabad.

Gaas wuu la socdaa in aan la dooran doonin si loo dhawro is afgarad-ka reer magaal (Gentleman agreement) ka dhexeeya saddex jifi ee Maxamuud Saleebaan (Cumar, Cismaan iyo Ciise).

Cismaan Maxamuud ayey sida ay u dhigan tahay tookadan ku soo aadeysaa waana sababta ay saddex meelood laba meel u leeyihiin musharixiinta.

Si taas loo ilaaliyo, waa in Gaas ku ceshaddaa ama aan la dhaafin Cismaan Maxamuud oo daga Qardho, halka lagu bah-dilay Faarax Cali Shire, tookada xigtana Ciise Maxamuud oo daga Garoowe, isla meesha kaaramada looga qaaday Gallan.

W/Q: Mahad Xuseen Guuleed
Gaalkacyo, Soomaalida

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid