Sidee ardayda ku heleen su’aalaha imtixaanka DF ka hor inta aan loo fariisan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka si qarsoodi ah loogu iibinayaa su’aalaha imtixaanka dowladda ee ardayda dugsiyada sare ee sanad dugsiyeedka 2018-2019.

Ardayda ayaa su’aalaha hela 24 saac ka hor inta aysan u fariisan imtixaanka, waxayna class-ka imtixaanka lagu galayo ay tagaan iyagoo wata su’aalaha iyo jawaabaha oo ay guryahooda uga soo shaqeesteen.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in imtixaanka suuqa yaalla uu yahay mid been abuur ah, hase yeeshee ardayda ayaa sheegay inuu yahay mid sax ah.

Ardayda qaar ayaa kuu sheegaya in su’aalaha laga soo siiyay xafiisyada iskuuladooda halka qaarkoodna ay ka heleen internet-ka oo la soo dhigay, waxaana arintaan fududeeyay mas’uuliyiin ka tirsan guddiga imtixaanaadka qaranka ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare.

Maamulada iskuulada ayaa la sheegay in imtixaaanka helitaankiisa ay ku bixiyeen lacag badan, si aysan u dhicin ardayda iskuulkooda ka socota ee ka qayb galaya imtixaanka qaranka.

Haddii ay ardayda dhacaan waxay saameen ganacsi ku yeelanaysaa iskuullada ay ardaydaasi ka socdaan, maadaama lagu baahinayo baraha bulshada iyo warbaahinta oo dhan.

Macalimiin iyo maamulo iskuul oo gaashaan ka ah in ardaydooda dhacdo ayaa la sheegay in ay lacag badan u hureen sidii ay ku heli lahaayeen su’aalaha imtixaanka, kadibna ay u qaybiyeen ardaydooda sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah.

Goobaha waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho hada waa mid kamid ah ganacsiyada ugu wanaagsan ee dalka ka jira, waxaana laga sameeyaa malaayiin dollar iyadoo ay aad u hoosayso tayada waxbarashada.

Si lamid ah sanad walba oo ay dowladda Soomaaliya qabaneyso imtixaanka dugsiyada sare ayaa la musuq maasuqaa, waxaana la sheegaa in guddiga su’aalo diyaarinta ay kumanaan lacag ah ka helaan bixinta qishka imtixaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com